Hadii aad astaamahaan ku aragto way ku Jeceshay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hadii aad astaamahaan ku aragto way ku Jeceshay
June 18, 2020 - Written by Wariye:
Had iyo jeer dumarku waxay ku dadaalaan inaan si sahlan ragoodu u o’gaan sirahooda jaceyl oo iyaga oo qudha ay ku koobnaato
Haddaba astaamaha lagu garto haweenayda wax jeceli aad ayay u fara badan yihiin, laakiin daryeelmagazine.com waxa  uu qormadaan ku tibaaxayaa dhawr qodob oo haweenayda odaygeeda jecel lagu garto.

Ugu horeyn waxaa lagu gartaa inay hiiyi kacdo marka lagu soo hadal qaado arrimo ku saabsan saygeeda, waxaana wajigeeda durba kasoo ifaya dareen farxadeed iyo muusoobid, waxaanay xilli kasta sii jeclaysanaysaa ka sheekeynta iyo falanqeynta arrimaha ku saabsan odaygeeda ay jeceshay,

waxaanay mar walba ku dadaashaa ilaa waqti in ka sheekeyntiisa la sii wado si ay ugu raaxaysato  hadal heynta Lamaanaheeda.

Haddii wax xumaan ah laga sheego markiiba way xanaaqaysaa . waayo waxaa intabadan reeraha isjecel kala kaxeeya xayn dumar ah oo udarban siday lamaanaha ukala fogayn lahaayeen iyaga oo uga bilaabaya horta imisuu biil ku siiyaa odaygaagu iyo gogashani waataad ku aqal gasheenee maad iska badashid ood odaygaaga tidhaahdid iga badal, maad tidhaahdid dhakhtar dibada ah ii dir, hebelba islaantiisa dahab badan ayuu u iibiyay ee muxuu adigana kuugu iibin waayay.

Hadaladaas iyo kuwo kale oo badan ayay rumaysanaysaa waa hadii aanay ku jeclaynee’ hadii kalana waxay  bilaabaysaa amaba isku dayaysaa inay ku difaacdo oo ay ceebahaaga asturto iyada oo ku qancinaysa in hadii odaygeedu lacag hayn lahaa aanu waxba ka hagradeen oo uu waxwalba ukeeni lahaa haddii hadal haynta qoyskooda intaa lagu joojin waayana meesha ayay isaga tagaysaa iyada oo aan jeclaysanayn qofka arintan ku kacay lasii hadalkiisa iyo ag-fadhigiisa.

Waxa kale oo astaamaha lagu garto  jaceylkeeda ka mid ah xiiso gaar ah oo ay mar walba u hayso iyo la sheekaysiga odaygeeda, laakiin layaabka jacaylka lagu arkay ayaa waxa uu yahay qofkii aad jeclayd ee aad ku haminaysay la kulankiisa ayaa qacda hore marka aad aragto aad ka naxaysaa muuqaalkiisa oo waxaad dareemaysaa Xanfaf kaa asiiba bu`da hoose ee caloosha.

Mararka qaar waxaad iloobaysaa qorshe badan oo aad rabtay in aad uga faalooto ama aad kala tashato oo waxaa dhacaysa in raashinkii guriga yaalay dhamaaday halkii aad dantaa ka hadli lahayd ayaad sheeko kale oo jacaylku kaasoo tufayo aad ka sheekaynaysaa kulankaasina dhamaanayaa adigoon qorshe muhim ah kala munaaqishoon.

Haweenayda wax jecel waxa ay mar walba tixgelin iyo karaameyn gaar ah siisaa odaygeeda,mana ogolaato in saxar qalad ah ama dhibaato yari soo gaadho, haddii ay iyadu dhibaataysantay teedu uma muuqato ee waxay ka fikirtaa ta saygeeda

Gabadha wax jeceli waxay had iyo jeer udhaga nuglaataa yeedhmada saygeeda iyada oo naxariis iyo waji furnaan u muujinaysa,waxaanay goor walba ka firkirtaa siday odaygeeda uqancinlahayd oo ay usoo jiidanlahayd.

Akhriste maxaa lagu gartaa ninka haweenaydiisa jecel? Waxaynu kaga warbixindoonaa qormooyinkeena danbe

W/Q: Xamse Suldaan Aden Faarax

COMMENTS
LINKS