WAJAALE NEWS

ISLA-XISAABTANKU WAA FURAHA MAAMUL WANAAGGA ! ! !

  Hoosta Ka Akhri Faa’iidooyinka Isla-Xisaabtanku U Leeyahay Bulshada Iyo Dawladda       

  Gorfayntii iyo Qalinkii . Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle  

Guud ahaan dadwaynaha Somaliland deegaan kasta oo ay joogaan bari iyo galbeed waxay garawsan yihiin macaanka nabadda Alle mahadi haka gaadhee,iyadoo hannaanka dawladnnimo iyo horomarka ay Somaliland ku talaabsanay bud-dhig u tahay garnaqsiga aynu hor dhigno beesha Caalamka.Mar kale, waxay guud ahaan dadwaynaha Somaliland dareemayaan baahida wayn ee loo qabo in la helo koboc dhanka maamul wanaagga ah haba yaraadee,waxayna garowsan yihiin waxa qaldan iyo dhibaatooyinka ku soo noqnoqda meertada noloshooda iyo baahida wayn ee ay u qabaan in la helo hoggaan daacad ah oo caddaalad iyo sinnaan ugu adeega.

Si loo helo koboca dhanka maamul wanaagga ah oo socda haba yaraadee iyo bulsho isku calool fayow oo ka caafimaad qabta boobka,dulmiga,musuq-maasuqa,cadaalad darrada,ku tumashada sharciga,eexda iyo qaraabo kiilka.Iyadoo guud ahaan bulshada Somaliland ay arkayaan dhibtaa jirta wali ma muuqato in lagu talaabsado koboc dhanka maamul wanaagga ah haba yaraadee,marka la eego natiijada ka soo baxday siyaasadda hoggaamineed ee xukuumadihii kulmiye ee xilka la kala wareegay muddo toban sanno ah maantana dalka taladiisa haya iyo siyaasadda hoggaamineed ee xisbiyada mucaaradka ah.

Iyadoo,guud ahaan hannaanka siyaasadeed ee muxaafid iyo mucaaridka Somaliland lagu tilmaami karo maah-maahda somaaliyeed ee tidhaa.“Dameer iyo labadiisa daan.” Sidoo kale,waxaan maalin walba aragnaa madaxda  laamaha dawladda Maayarrada iyo masuuliyiinta oo bulshada Somaliland kula xisaabtamaya in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay iyo in ay u hoggaansamaan shuruucda dawladda.Iyadoo maalin kasta shaqaale tiro badan iyo ciidamadu ku hawlan yihiin in bulshada laga xaqiijiyo in ay bixisay Cashuurtii iyo in ay u hoggaansantay shuruucda dawladda,halka ay wali maqan tahay in lala xisaabtamo madaxda kala duwan ee laamaha dawladda  .

 Dhanka kale,muwaadiniinta u ololaysa maamul wanaagga waxaa ku kordhaysa warwarka ay ka qabaan in lagu talaabsado koboc dhanka maamul wanaagga ah haba yaraadee si rajadu meesha uga bixin,marka la eego natiijada ka soo baxaysa qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland sida:-Qurba jooga oo ilbaxnimadii iyo xadaaradii ay ku soo arkeen sannado badanna kula soo noolaayeen ummadda ku nool waddamad ay u haajireen ee horomarka ku talaabsaday aan waxba ka keenin.

Mar kale, guud ahaan aqoonyahanka bulshada Somaliland oo noqday mid iska indho tiraya dhibta jirta ee u baahan in xal laga gaadho,iyagoo garanaya dhibaatooyinka haysta bulshada Somaliland iyo sida loo dawayn karo.waana mid Alle waydiin doono maalinta Qiyaamaha.Iyadoo qarka u saaran tahay barbaarta iyo jiilka soo koraysa in fahan qaldan aaminaan oo qaladaadka jira maanta sax u arkaan .

Hadii aan ku soo noqdo dulucda maqaalkayga,waxaa hubaal ah in isla-xisaabtanku yahay furaha maamul wanaagga,anigoo akhristayaasha u soo gudbin doona shan qodob oo lagu soo koobay faa’iidooyinka isla-xisaabtanku u leeyahay bulshada iyo hoggaankooda waana sidan:-

  1.   LA XISAABTANKA HOGGAANKA

Markay hoggaamiyayaashu qaadaan masuuliyad waa in ay ka jawaabaan natiijooyinka ka soo baxa go’aamadooda,dhaqankooda,ficilkooda,iyo wax kasta oo masuuliyadda saaran hoos imanaya oo baahi loo qabo in ay ka jawaab celiyaan.Hoggaamiyayaasha fiican waxay dhisaan fahan saxa oo ku salaysan madaxda iyo shaqaalaha ay maamulayaan iyo in ay ka jawaabi karaan kana xisaab celin karaan masuuliyadii ay hayeen,iyagoo garanaya meesha ay ku fiican yihiin iyo meelaha u baahan yihiin in la saxo

  1.   LA XISAABTANKU WAXUU DHISAA AAMINAADDA

Marka masuulku noqdo mid ka xisaab celiya masuuliyadii uu hayay.Waxaa hubaala in ay kor u qaadayso sharafta,tixgalinta iyo aaminaadda ay bulshada aad maamulaysaa kuu hayaan.Markaad maamulka iyo shaqaalahaaga ku hoggaamiso in ay ka xisaab celisaan masuuliyadii ay hayeen,waxaad dadkii u qirtay in aad hayso wax la wada leeyahay , waxaad dib u saxday kalsoonidii luntay, is aaminaadiina dib ayaad u soo celisay,.masuul noqo mid ka xisaab celiya masuuliyadda ku saaran .

  1.      LA XISAABTANKA WAXUU KOR U QAADAA LA HAANSHAHA

Markaad siyaasadaadda hoggaamineed ka dhigto in aad ka xisaab celiso masuuliyadii aad haysay iyo  waajibaadka saarnaa maamulkaaga,waxaad bartay maamulkii iyo shaqaalihii in ay qiimeeyaan shaqadii ay u hayeen qaranka . Sidoo kale,waxay guud ahaan bulshadu madax iyo mijo baranaysaa in ay macno u sameeyaan in masuuliyadda ay qabanayaan tahay waxoodii ay wada lahaayeen. Waxaa kale,oo bulshadu madax iyo mijo baranayaan in masuuliyadii ay hayeen saamayn ku keenayso .

  1. LA XISAABTANKA MASUULKU WAXUU DABAR GOOYAA MUSUQ-MAASUQA WAXAANU KOR U QAADAA FULIN HAWLEEDKA

La xisaabtanka masuulku waxuu dabar gooyaa musuq-maauqa iyo ku takri falka hantida ummadda, waxaanu cidhib tiraa waqtigii iyo dadaalkii ku lumi lahaa in lagu jeedo hawlo iyo dabeecado kale oo aan midho dhal ahayn .

      5 . LA XISAABTANKA MASUULKU WAXUU DHIIRI GALIYAA KALSOONIDA

La xisaabtanku masuulku waxuu kor u qaadaa kalsoonida ay u hayaan bulshadu hoggaanka,waxaanu meesha ka saaraa tuhuno ay ka qabeen bulshada uu xukumaa,masuuliyadda oo aad ka xisaab celisaa waxay keenaysaa in bulshadu ku siiso taageero dhaba. Sabobtoo ah markay dadku ogaadaan in aad dhagaysanayso kana jawaabi karto wixii ku saabsanaa masuuliyadaad haysay,waxaa hubaala in ay bulshadu ku siinayso taageero buuxda .

Waxaan qormadan ku soo gunaanadayaa,in diiwaanka taariikhda lagu xusi doono in Hayadii GLOPPI ( Global Peace and Prosperity Initiative ) ee ka shaqaynaysay maamul wanaagga aqoon korodhsiga na siisay muddo laba sannadood laga joogo,mashruucii iyo shaqadiiba laga joojiyo sannadkii koowaad ee muddo xileedka Madaxwayne Muuse Biixi,iyadoo talaabada lagu eryay hayada GLOPPI ay marag cad u tahay, halka aynu ka taaganahay in lagu talaabsado koboc dhanka maamul wanaagga ah haba yaraadee, iyadoo taariikhdu xusi doonta dhammaan aqoonyahanadii ka hawlgalayay Hayadii GLOPPI ee aqoon korodhsigaa na siiyay . Allow waa taada tii kaleba waa been .

Qalinkii . Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley Somaliland .   

Exit mobile version