Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha
June 18, 2020 - Written by Wariye:

“Markabkan aynu saaranahay ma’dabeylahaa wadhfinaaya, mise, si fiicanbuu bad-weynta dusheeda u dhex-mushaaxayaa? Are we on board the ship plying nicely in the high seas or winded navigation?,.” Waa Qormo Xiiso Badan oo uu qoray Qoraa Maxamed Faarax Qoti (Q,3-aad)

Nasiib darro markii aanu isku daynay in aanu toosinana, way noo suurto-galiweyday inay toosaan ee ashahaata oo tukada.

 

Waxaanu ashaahaadanaba habeenkaasi ayuu xilli danbe soo baraarugay wadihii diyaaradaas (Pilot), kaasoo si nabad galyo ah u soo dajiyey gegida diyaaradaha ee Charles de Gaulle International Airport ee caasimada Paris ee dalka Fransiiska.

 

Waxaan ka caagay in aan diyaarad danbe ku safro, waxaanan go’aansaday safarkaygii afaraad in aan raaco mid ka mid ah maraakiibta u kala gooshta daafaha dunida, wakhtigaasi waxa aan ogaaday, in sirta noloshu ay tahay habka fahamka maskaxda aadamuhu wax u fahamto nolosha iyo qaabka ay kaga fal-celiso wax ka qabashadeeda.

 

Isla markaana ay tahay qaybta hore ee maskaxada Aadamuhu (Conscious brain), sida naakhuudaha haga maraabkiibta badda gooshta, halka shaqaalaha markabkuna ay yihiin sida qaybta labaad ee maskaxda Aadamaha (Subconscious brain), marka naakhuuduhu jiheeyo markabkaasi, waxa uu amaro u kala diraa shaqaalaha ku jira qolka hoose ee uu yaalo mishiinka markabka, kuwaasoo, ka illaaliya mishiinka markabku inuu kululaado, kuna leexiya jihada saxan ama ku kordhiya ama ka hakiya xawaaraha uu ku socdo markabkaas.

 

Dhamaan dadkaasi kama war-hayaan meel alla meel ay marayaan, waxa ay la socdaan oo kaliya amarada uu faro naakhuudaha, laakiinse, haddii uu ka khaldamo dariiqii naakhuudaha markabkaasi ama uu khaldo  qaabkii uu u raacay xagasha jihada qalabka jihaayahaasi, isla markaana ay ka soo hor baxaan dhagaxaanta loo yaqaano shacaabiga, haddana, dadkaasi waxa ay wada aaminsan yihiin naakhuudahoodaas, sababtoo ah, waa horjoogahoodii  markabka,  waxa khasab ku ah hoggaamiyahaasi oo la gudboon in uu ogaado waxa uu qabanaayaa waxa ay tahay.

 

Nasiib darro’se, waxa ay iigu naxdin badneyd, markii aan arkay naakhuudihii wadey markabkii aanu saarneyn oo  ka soo degay guradii markabkii aanu saarnayn, isagoo hoos ugu soo dhaadhacay khanankii ugu hooseeyey ee markabkaasi, taasoo ay sabab u ahayd, ka dib, markii shaqaalihiisii ay qaadan waayeen fariimihii iyo amaradii naakhuudaha markabkii aannu saarnayn.

 

Haddaba, waxa isweydiin mudan, waa haddii naakhuudahaasi uu sii joogteeyo ka soo degitaanka gurada sare ee markabkaasi, in halis loogu jiro in uu jiidho shacaabi ama uu ka lumo jihadii uu ku socday, waxa muhiim ah  marka aynu dooneyno wax ka badelka  xaaladda jirta, waa in aynu wax ka badelnaa wixii sababay xaladdaasi.

 

Muddo yar ka dib, waxa nala’soo daristay hurdo yaraan ay sabab u ahayd ciy’da mashxaradda ay nagu raali-galinaysay markay naga fusho kaneecadii ku noolayd markabkii aanu saarnayn, waxay lahayd lix-lugood, af-dheer iyo in ka badan boqol (100) indhood, taasoo, ku duuleysay duulimaad hoose oo gaadhayey illaa iyo 18- joog sare (Feet),  inkastoo, cimrigeedu uu gaabnaa, haddana, miisaanka culeyskeedu waxa uu ahaa laba milligaram (2mg), kaasoo keeda lab uu quudanayey geedaha Ubaxa leh ee saarnaa markabkaas, halka dhadigeeduna ay quudanaysay dhiigayaga.

 

Waxa lagu qiyaasaa qabiilada ay ka kooban tahay kaneecadu ………………La soco………

 

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti

COMMENTS
LINKS