Heshiiska Jabuuti Iyo Distuurka Somaliland!W/Q;Gar Cabdale Daahir | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Heshiiska Jabuuti Iyo Distuurka Somaliland!W/Q;Gar Cabdale Daahir
June 23, 2020 - Written by Editor:

1;Qodobka 2aad ee ka hadlaaya “wada-maamulka hawada Somaliland (Somaliland airspace) ee ku soo baxay war-murtiyeedku, wuxuu kala saaray Hawadii Somaliland” Somaliland Airspace” iyo.Hawadii Somaliya “SOMALI AIRSPACE” oo markii hore isku ahaa “SOMALI AIRSPACE” sidana uga diiwaan gashanaa HAYADA QARAMADA MIDOOBAY EE “EKAAWO”

Heshiiskana wuxuu curinayaa, aqoonsanayaana in ay jiraan laba hawo duulimaad oo kala ah, hawada Somaliland “Somaliland AIRSPACE” iyo hawada Somaliya “SOMALI AIRSPACE” tana waxay ka dhigan tahay “TWO SEPARATE AIRSPACE”

Tana waxay QARAMADA MIDOOBAY iyo HAYADEEDA DUULIMAADKA EE “EKAAWO” ku WAAJIBINAYSAA, U AQOONSIGA, LAHAAN-SHAHA iyo MADAX-BANAANIDA HAWADA SOMALILAND, tana waxay GUUL u tahay SOMALILAND.

Intaas marka laga yimaado waxa Qodobka. 2aad ku dhex-jirta “In gudi ka kooban Somaliland iyo Somaliya ka wada-maamulaan, xaruntiisuna tahay HARGEYSA,

Hadaba sida uu qeexayo DISTOORKA SOMALILAND QOD 2aad leeyahay, SOMALILAND WAXAY U MADAX-BANAAN TAHAY DHULKEEDA, BADEEDA IYO CIRKEEDA, qodobkanina wuxuu reebayaa in ay Somaliland cid kale la wadaagto maamulka intaase, qodobka 2aad ee shirka Jabuutina wuxuu sheegayaa in hawada Somaliland ay wada-maamulaan gudi ka kooban Somaliland iyo Somaliyee, ma ka hor-imanayaa DISTOORKA SOMALILAND?

Waydiintani waxay u dhigmaysaa:-

1;Gudidani maxay hawada Somaliland wada-maamulayaan inta la isla Meel-dhigaayo, AQOONSIGA SOMALILAND?

2;Mise waa gudi jiraysa oo maamulaysa hawada Somaliland marka la kala baxana?

Labadan arrimoodna ee ay dawladu heshiiskan ay saxeexday ku jiraana waxay ka mid yihiin, hawlaha ay tahay in LABADA GOLE EE GUURTIDA iyo WAKIILADU, fadhi wada jira ka yeelanayaan, sida uu sheegaayo QODKA 37aad, FAQ 4AAD, ee DASTUURKA SOMALILAND, fadhigaas ayayna LABADA GOLE KU DIIDI KARAAN ama KU MEEL-MARIN KARAAN.

HAWLAHA GUDIDA HAWDA EE ISKU DHAFKA AH U TAAL.

Heshiiska weli waxaa ka dhimman TAFAASIIR IYO FASIRAAD ah:-

1;Yaa Madax u noqonaya Guddiga iskudhafka ah ee labada dhinac? 2. Erayada “AFGARADKA” ee la isticmaalayo marka dayaaradaha lala hadlayo muxuu noqonayaan? si kale haddii loo dhigo, magaca hawada la maamulayaa ma waxa uu noqonayaa, HAWDA SOMALILAND “SOMALILAND AIRSPACE” mise HAWDA SOMALIYA “SOMALI AIRSPACE” mise magac kale oo cusub ayaa hawada Somaliland lagu maamulyaan?

3;Hawlgalka maamulka hawadu markuu billowdo waxaa dhici karta in ay soo baxaan arrimo gudidu aanay kaligood ka go’aan gaadhi Karine, halkay ula laabanayaan, ma Somaliland oo hawdeeda la maamulaayo mise somaliya oo Hawadii Somaliland qayb ka maamulaysa?

4;Dakhliga ka soo baxa hawada ma Somaliland baa gaar u leh, mise Somaliyana qayb ayay ku leedahay dakhligaas?

5;Halka gudidu hawada Somaliland ka maamulaysaa waa HARGEYSA, ee GUDIDA YAA GUDOOMIYE U NOQONAAYA.

6;Xeer Hoosaadka Gudidu ku shaqaynaysaa, ma wuxuu hoos imanayaa XEERKA HAWADA SOMALILAND mise XEERKA HAWADA SOOMAALIYA? .

7.Gudidu ma xeerkan bay ku maamulidoonaan diyaaradaha ku duulaaya jooga hoose ee duuliyaha diyaaraduna uu hagi karo “Xeerka caalamiga ah ee dayaaradaha yaryar ee ku duulaya joogga gaaban, duuliyaha diyaaraduna ku hagi karo dayaaradda araggiisa dhulka” lana yidhaa “Visual Flight Rules” mise iyagaa xeer cusub u curin doona?

Fiiro Gaara:-

Qobobada kale ee heshiisku waa guul ay wada gaadheen Somaliland iyo Somaliya, waxna uma dhimaayo madax-banaanida Somaliland iyo Somaliya.

  1. Garyaqaan Cabdale Daahir Aadan.
COMMENTS
LINKS