Jabkii Jamaal Cabdinaasir Iyo Gaadhigiisii Dusha furnaa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jabkii Jamaal Cabdinaasir Iyo Gaadhigiisii Dusha furnaa!
June 24, 2020 - Written by Editor:

Hogaamiyihii labaad Ee  Dalka Masar Soo Maray Ee xilka Madaxweyne hayey sanadihii 1954 illaa 1970…. Waxa uu dhashay sanadkii 1918. Jamaal waxa uu can ku ahaa in uu samayn jirey ficilo lidi ku ah xaqiiqda wakhtigaa ka jirtay dagaalkii Israil iyo Wadamada carabta oo ay masarna ka mid ahayd 1967….waxaa lagu yaqanay Jamaal Cabdinasir iyada oo ciidamada masar jab wayn loogu gaystay oo dhimasho iyo dhaawac iyo kaba kayaac ay ka dhacday furimihii dagaal ee wakhtigaa ayaa inta uu SOO FUULO GAADHI DUSHA BANAAN labada gacmoodna u haadinaaya Shacab aad u tiro badan una muujinaaya in ay guulo ka gaadheen Degaaladii u dhaxeeyey Masar iyo Israil. Halkaas oo ay shacabku aad ugu riyaaqeen guulaha la gaadhay dadbadanina ugu soo baxeen Madaxweynahooga guusha sheegaya….

Haddaba,  Gaadhigii dusha furnaa ee Madaxweyne Biixi , warkii Loo sheegay Shacabka Somaliland gaar ahaan Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee u dhignaa in ay diideen Qodobka ISDHEXGALKA LABADA DAL …. IYO Warmurtiyeedkii kasoo baxay Jabuuti 22 June 2020 ee uu ku cadaa in  4ta qodob ee lagu heshiiyey uu ku jiro ISDHEXGALKA… macnaheeduna yahay in Siyaasiyiinta Somalia ay halkan(Somaliland ) iman karaan oo ay uga ololayn karaan Somali weyn……naadiyada ciyaaraha oo huwan astaantii somaliweyn iyo bulshada dhaqankuba inay dalka Somaliland xor u yihiin in ay wakhtiga ay doonaan iman karaan halkaas oo arinta looga jeedaana ay tahay MIDNIMO—IYO IN SHACABKA LA JAHAWAREERIYO.

Wabillahi tawfiq

Qalinkii; Cabdirasaaq Askar

Hargeysa,Somaliland

 

 

 

COMMENTS
LINKS