Xog kooban Oo Khusaysa Marxaladaha Ay Somaliland Soo Martay Iyo Halka Ay Maanta Joogto! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xog kooban Oo Khusaysa Marxaladaha Ay Somaliland Soo Martay Iyo Halka Ay Maanta Joogto!
June 25, 2020 - Written by Editor:

76 sanno (1884 ilaa 1960) Oo Ay Dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ku Hoos noolaayeen Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska (Somaliland British Protectorate), afar maalmood (26 June 1960 ilaa 1 July 1960) oo ay reer Somaliland ahaayeen dal madaxbannaan oo xoriyad haystay, 31 sanno oo ay dadweynaha Somaliland ku jireen Soomaaliya (1960 ilaa 1991), kalana kulmeen hungo madhan, dhibaatooyin baahsan, caddaalad-darro fool xun, xasuuq, burbur, qax iyo masiibooyin Adduunyo oo dhan, xoriyad la’aan, cabbudhin aan la ogolayn in qofna juuq yidhaahdo, bandoo casarka la seexiyo dadka, dhaqaalaha iyo horumarka oo lagala dagaalamay, waxa ay shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland muddo 30 sanno ah (1991 ilaa 2020) ay hadda ku naaloonayaan dalkooda oo madaxbannaan, xor ah oo dhistay dastuur ka kooban 130 qodob oo lagu ansixiyey afti-dadweyne oo ah 97%, hannaan dowladnimo oo sharci ku dhisan, nabadgelyo, horumar, saxaafad xor ah, waxbarasho ilaa heer Jaamacdeed ah, nidaam dimuqraaddi ah, hannaan ku dhisan nidaamka xisbiyada badan, laguna guulaystay in dalka laga qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah.

30-ka sanno ee Somaliland madaxbannaanida haysatay waxay xilka u kala dambeeyey shan Madaxweyne oo aannu mid qudha kursiga ku fuulin xukun millatari, qori caaradii ama si jujuub aan laga raali ahayn ah, balse waxa uu Madaxweyne walba ku yimid sifo sharci ah iyo rabitaan dadweyne. Amniga iyo nabadgelyada dalka waxa masuul ka ah shacbiga Somaliland oo ay wakiil uga yihiin ciidammo xooggan oo mushaharkooda laga bixiyo cashuurta ay muwaadiniintu bixiyaan. qarannimada iyo jiritaanka madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay gacanta ugu jiraan shacbiga, waxayna reer Somaliland ka xun yihiin, kana murugoonayaan xoriyadoodii ay qaateen 26 June 1960 ee ay sida caaddifadda ah ugu dhex tuureen Soomaaliya, waxayna hadda ku taamayaan inay halkaas hore uga sii socdaan, aqoonsi caalami ahna ka helaan Adduunka.

MAXAMED CUMAR CABDI “CIRRO”

COMMENTS
LINKS