Madaxwaynaha Jsl Oo Ganacsade Maxamuud Qaalib Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Wiil Uu Dhalay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Ganacsade Maxamuud Qaalib Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Wiil Uu Dhalay
June 26, 2020 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Cabdiraxmaan Maxamuud Qaalib oo ku geeriyooday shil baabuur xalay oo ay taariikhdu tahay 26/06/2020.

Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa Geeridaasi naxdinta leh Xaaji Maxamuud Qaalib Cali oo ah Aabaha dhalay marxuumka iyo dhamaan qoyska reer qaalib.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
LINKS