“Somaliland Madaxdeeda Waxaa Looga, Baahan Yahay, Daah Furnaan Kasbata Kalsoonida Shacabka”Siyaasi Cabdirashiid A, Mataan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Somaliland Madaxdeeda Waxaa Looga, Baahan Yahay, Daah Furnaan Kasbata Kalsoonida Shacabka”Siyaasi Cabdirashiid A, Mataan.
June 27, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo kamid aqoonyahan reer somaliland ayaa ka hadlay xaalada Somaliland ee wakhtigan iyo sida ay ku heli karto aqoonsi buuxa oo ay hesho beesha caalamka

Sidoo kale Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa fariimo kala duwan udiray madaxda Somaliland iyo shacabka reer Somaliland.

Aqoonyahan cabdirashiid ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

Somaliland iyo xaaladda Maanta;

Waxan jeclahay inaan halkan fariimo uga diro madaxa Somaliland iyo shacabka Somaliland labadaba.

Shacabka Somaliland Waxan leeyahay ictiraafku waa rabitaankeena iyo doonisteena aynu raadinayno, tukaan Mayaalo oo lama soo iibin karo, bakhaarna kuma xaraysno oo lagama soo rarayo; caalamkuna inaga akhrisan maayo gooni baanu isu taagnee na ictiraafa.

Dib u eega qaabka ay dawladuhu u kala baxaan, waxa Khasab ah in aynu marno afti caalamku markhaati ka yahay, dhabaha loo marayaana waa wadahadal midho dhal ah.

Yeynaan waxwaliba shaki ka abuurin laakiin waa mihiim in aynu si dhow ula socono talaabooyinka iyo geeddi socodka dhacdooyinka.

Somaliland madaxdeeda waxan leeyahay waxa la idiinka baahan yahay daah furnaan kasbata kalsoonida shacabka.

Waxa la idiinka baahan yahay dhiiranaan aad la hor-timaaddaan wixii danta shacabka iyo dalka somaliland aad u arktaan ama aad ka geyn waydaan ee aad kala soo kulantaan wadahadlada caalamku dabada ka riixayo oo ah fursad aynaan hore u helin.

Waxaa iyana xusid mudan in aynu galney xilli xasaasiya oo loo baahan yahay isu duubnida shacabka iyo in meel looga soo wada jeesto wadahadalka Somaliland iyo Somalia. Waxa muhiima in la abuuro dareen shacab oo muujiya wadalahaanso Somaliland la wada ilaashado.

Ilaahay khayrka ha ina waafajiyo

Siyaasi; Cabdirashiid Xasan Mataan.

 

COMMENTS
LINKS