Balan Qaadkii Xilligii Olalaha Uu Ku Galay Madaxweyne Muuse Biixi!Q.1aad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Balan Qaadkii Xilligii Olalaha Uu Ku Galay Madaxweyne Muuse Biixi!Q.1aad.
June 27, 2020 - Written by Editor:

Qalinkii iyo Falanqayntii; Cabdixakiim Samo kaab.

Maxaa U Qabsoomay, Maxaase An Qabsoomin? Waxa la gaadhay Xilligii lays la xisaabtami lahaa, Sidaa Daraadeed Aan Ku Bilaabo;

TAYAYNTA WAXBARASHADA:

Waa 14 Qodob oo ka mid ah Balanqaadkii ku dhignaa/Qornaa Diwaankii/buugii Barnaamij-Siyaasadeedka, tayaynta Waxbarashadu.

Mudadu waa 5 sano!

1;Waxa uu aasaasi doonaa komishanka hirgelinta Tayada Waxbarashada iyo Hal-beegga Heerka Tayada waxbarashada ee la beegsanayo.

2;Waxa uu Sugi doonaa in Hal-beega Tacliinta sare re dalku waafaqsan tahay heerarka caalamiga ah.

3;Waxa uu dhisi doona Labba (2) dugsi oo ah dugsiyada tababarka Macalimiinta

4;Waxa uu ka dhigi doona Dhamaan macalimiinta dalka kuwo gaadhsiisan heer jamacadeed ama Sita shahadada dugsiyada tababarka macalimiinta si uu wax u dhigi karo.

5;Waxa uu sin doona tababar maamul dhamaan maamulayaasha dalka.

6;Waxa uu did u ego doona manhajka Waxbarashada dalka si uu qayb uga noqdo himilada 2022.

7;Waxa uu hir gelindoobaa in dugsiyada dalku dhigaan manhajka Waxbarashadaee qaranka

8;Waxa uu suurto gelin doonaa ardayda dugsiyada Hoose/dhexe iyo dugsiyada sare in ay Helaan buugaagta dhamaan maadooyinka manhajka Waxbarashada dalka oo bilaash ah.

9;Waxa uu dugsiyada sare we dalka u dhisi doonaa kombiyuutar lab, saynis lab, iyo maktabado casriya mudo shan sano gudahood ah.

10;Waxa uu dhisi doonaa Todoba (7) maktabadood oo dadweyne (public libraries) oo casriya si loo dhiirigeliyo dhaqanka wax akhriska dadkeena sanadka 2022

11;Waxa uu horumerindoonaa afsoomaaliga maadaama uu yahay afka hooyo ama koobaad ee dalkan

12;Waxa uu waajib ka dhigi doonaa in ardaydu bartaan si heer caalamiya ugu hadlaan afafka Carabiga iyo ingiriisiga.

13;Waxa uu hirgelin doonaa barnaamijka laylinta dhalinyarada ka qalinjabisay jaamacada dalka mudada ka hooraysa shaqada rasmiga ah.

14;Waxa uu Soo rogi doonaa in abuurista ganacsiga iyo Hal-abuurka cusubi noqdo qayb ka mid ah manhajka Waxbarashada dalka.

(la soco)

Qalinkii;Cabdiraxiim Samo Kaab.

COMMENTS
LINKS