DAAWO;-Qurba Joogta Reer Somaliland Ee Dalalka Canada Iyo Australia Oo Siwayn Uxusay Sanad Guuradii 60Aad Ee Xornimada Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Qurba Joogta Reer Somaliland Ee Dalalka Canada Iyo Australia Oo Siwayn Uxusay Sanad Guuradii 60Aad Ee Xornimada Somaliland.
June 27, 2020 - Written by Editor:

CANADA(W,N)- Qurba joog reer Somaliland ee ku kala dhaqan dalalka Canada iyo strealiya ayaa siwayn uxusay sanad guuradii 60aad ee kasoo wareegtay maalintii Somaliland Xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska.

Sidoo kale aqoonyahan,haweenka madax dhaqameedka reer Somaliland ee kudhaqan dalka Canada ayaa si qotodheer uga waramay xornimada Somaliland iyo sidii ay uga qaadatay gumaystihii dalka ingiriiska iyo dhacdooyinkii ku lamaanaa.

Dhanka kale haldoorka reer Somaliland ee ku dhaqan Canada iyo streilaya iyo gudaha Somaliland ayaa munaasibad xuska sanad guurada kaga hadlay arimo la xidhidha sidii Somaliland ula midowday koonfurta somaliya isagoo sheegay in  Somaliland ahayd halkii ugu horaysay ee calan qaadata dhulka somalida.

Aqoonyahanka iyo haldoorka reer Somaliland ee ka qaybgalay munaasibada xuska sanadguurada 60aad eek u dhaqan dalka Canada ayaa farta ku fiiqay muhiimada ay Somaliland ulahayd wadahadaladii dalka jabuuti ku dhexmaray Somaliland iyo khudbadii taariikhiga ahayd ee uu ka jeediyay madaxwaynaha Somaliland ,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA BARNAAMIJKA XUSKA SANAD GUURADII 60AAD EE 26JUN 1960;

 

COMMENTS
LINKS