Afriki Way Toosaysaa, Ee Goorma Ayuu Cimlaqani Toosayaa? Q,2aad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afriki Way Toosaysaa, Ee Goorma Ayuu Cimlaqani Toosayaa? Q,2aad.
June 27, 2020 - Written by Editor:

Qaybtani Waa Qaybti labada ee warbaxinta ‘Afriki way Toosaysaa ee goormay toosaysaa’, ee uu soo bandhigay Professor Jagdish N. Sheth. Hadaba, si uu kobaca dhaqaalahu qaaradu u hirgalo, wuxuu Professor Jagdish soo jeediyay 10-ka qodab ee qarada Afriki u bahan tahay.

Qoralkani waxaan ku soo bandhigi doona 10-ka qodab oo duuduub ah. Kadibna, waxaan u daadagi doona qodab qodab, aniga qodabada qaarkood kaga hadli doona sida ay Somaliland u samaynayso. Haddaba waa kuwani qodabadani:

 Qodabada qaarada Afrika looga bagan yahay:

Afrika waa inay xaga Asiya u janjeedhsato. (Pivot toward Asia)

Sida dalalka Shiinaha iyo Jaban.

Maalgashiga Cilmiga dhijitalka (digital). (Invest in Digital Africa)

Casriyayta habka dawladnimo iyo Isticmaalka kombuterada.

Isticmaalka teknoolijiyada wax lagu kala iibsado.

Hirgalinta teknoolijiyada BLOCK CHAIN

Waxa lagu sameeyo Afrika (Make in Africa)

Warshadaynta alabta beeraha iyo warshadaha.

Shaqalaha Shiinu iyo Asiya kama fiicna kuwa Afrika.

Khayradka qaarada awadeed, warshadayntu waxay u guuri doonan Afrika.

Dib-habaynta sharciyada shaqalaha iyo dhaqaalaha si qaaradu u hesho maal gashi dibadeed .

Aqoon ku salaysan Xirfada (Skill Based Education)

Sida Jarmaka iyo Koonfurta Koreya.

Abuurida Iskuulada farsamada gacanta.

Dhaqaale ku xidhan dhoofin (Export Driven Economy)

Dib-u-habaynta siyaasada la xidhiidha dhoofinta.

Dhiiri galinta sharkada wax soo saarka.

Hirgalinta goobo dhaqaale ee xorta ah (Free-Zone)

Maalgalinta kabayaasha dhaqaale wada-jirka Afrika (Pan African Infrastructure Investment)

Sida garonada diyaradaha (airports), wadooyinka iyo dekadaha

Iskashiga maalgashi ee dawlada iyo sharkadaha gaarka loo leeyahay (Public-Private Partnerships)

Dhiiri galinta ganacsiga dadka abuuran (Focus on Enterpreneurship)

Sida curinta ganacsiga shicibku abuuro.

Dhiiri galinta habka dhigitalka (digital infrastructure).

Qurbo-joogta (Leverage Africa Diaspora)

Ka faa’iidaysiga qurbo joogta, dhaqaalahooda, aqoontooda iyo wayo aragnimadooda.

Maalgalinta sumcada dhisida iyo xayaysiinka (Invest in Branding and Marketing)

Korqadid sumcada qarada, si wax soo saarka iyo dalxiiska u kobco.

Dimuqradiyanta ama wada lahanshaha hantida (Democratize of Wealth)

Wada lahaanshaha dhaqaalaha, si kobaca dhaqaaluhu u wada gaadho dadka oo dhan.

Afrika waa inay xaga Asiya u janjeedhsato. (Pivot toward Asia)

Qodabkani lama qabo Professorka, waayo qaradu waxay ka kooban tahay dalal badan oo kala dan ah, oo dalkastaba dantiisa eegayo.

Tusaale ahaan, dalka Shiinuhu waxaa uu wada mashruuc wayn oo Shiinaha bad iyo Bariba ku xidhaya dalal badan, kasi ugu yeedhay ‘One Belt One Road’. Dalalka laga hirgalinayo mashruucani waxaa ka mid ah dalal Afrika ku yaal, sida dalka Jabouti.

Sida oo kale, sharkada DP World waxay wadaa qorshe kaasi oo kale ah oo dhanka bada ah, dalalka ay ka wado waxa ka mida Soormaliland. Qorshaha DP World waxay tageero ka haysta dalalka tartamku ka dhexeeyo dalka Shiinaha, sida dalalka Reer Galbeedka iyo kuwa kale ee Asiya.

Maalgashiga Cilmiga dhijitalka (digital). (Invest in Digital Africa)

Dawladaha Afrika, khasatay dawlada Somaliland waa in ay xogta (data) sida ardiyada dhulka, beeraha, xogta bayacmushtariga, maxkamadaha IWM, galiso kombutarada, si ay hawsheeda  u qabsan karto si hufan ama ‘transparent’-ah.

Mida kale, Somaliland waxaa dalal badan oo qarada iyo calamka ahba kaga fiican tahay habka telefoonada wax lagu kala iibsado, sida Zaadka iyo E-dahabka. Haddaba, si loola socdo hantida ummadani sharkadahani u hayaan, waa in Bangiga dhexe maamulo. Marka kadib, waa in mushaharka shaqaalaha lagu shuban karo, cashuurtana lagu bixin karo.

Teeda kale, calamka waxaa ku soo kordhay habka casriga ah oo loo yaqaan BLOCKCHAIN. Habkani, waxaa uu barabixinayaa lacagta adag ee aduunka wax lagu kala iibsado sida Dollar-ka, iyo Euro. Sida qoraladaydii hore kaga hadlay, AKON oo ah ninka caanka ah oo Senegalese-American ah, ayaa waxuu sameeyay lacag habkani ku shaqaysa oo la yidhaa (AKION). Lacagtani oo qaarada Afrika iyo calamkaba lagu isticmaali doono. Mida kale, Mark Zuckerberg oo ah ninka abuuray, maamulana sharkada FACE-BOOK, ayaa waxaa sanadkii hore soo jeediyay in ay abuuri doonan lacagta dhigital-ah, ama ‘cryptocurrency’ oo uu u bixiyay LIBRA.

Haddaba, Mark Zuckerberg waxaa looga yeedhay golaha wakiilada Maraykanka (US Congress).

Fagaadhaha Congress-ka waxaa uu ka jeediyay qudbad, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“…. Inta aynu inagu arimahani ka doodayno, aduunku inama sugayo. Shiinaha waxay si dhakhso ah u wadan fikirkani oo kale, bilaha soo socda way hirgaliyan. Lacagtani (LIBRA) waxay ku xidhnaan doonta DOLLARKA. Waxaanan aamin sanahay in ay kor u qaadi doonto hogaanka Maraykanka caalamka, waxay dhiiri galin doonta dimiqradya, (dhaqaalaha-aduunkana) dusha ayaynu kala socon doona. Haddii ay Maraykanku (cryptocurrency) aanu hirgalin, garantii (guarantee) ma noqonayso in aynu calamka hogaamino doono”

Dawlada Maraykanu waxay sas ka qabta lacagta ‘cryptocurrency’ in ay dollarka wiiqo. Waxay ahayd in sharkada Face-book gu sanadkani 2020 hirgaliso isticmaalkiisa lacagtani ‘LIBRA’, walise looma ogalaan. Lakiin, sida uu Zuckerberg yidhi calamku sugi mayo Maraykan iyo dalkii tareenkani ka dhaca.

Mida kale, ninka sameeyay, maamulana labada sharkadood ee teknoolajiyada Twiter-da iyo Square, Jack Patrick Dorsey, ayaa waxaa uu yidhi “Mustaqbalka lacagta dhijitalka (cryptocurrency) iyo teknoolajiyada wax lagu kale iibsado (payment systems) waxaa hormood u noqanaysa Afrika” Wuxuuna ka guuray dalkiisa Maraykanka waxaanu u guuray Afrika.

Lagu sameeyo Afrika (Make in Africa)

Dalka Shiinaha iyo dalalka Asiya waxay warshadaynta casriga ah ka bilaabeen warshadaha dhar-tolista, oo shaqalo badan oo jaban u bahan. Haddaba, warshadaynta dhar-tolistu waxay u socdan qaarada Afrika. Waayo shaqaalaha Afrika way ka jaban yihiin kuwa Shiinaha iyo Asiya kale. Teeda kale, dawladaha qaaradu waa in ay dib-habayn ku sameeyan sharciyada shaqaalaha iyo dhaqaalaha si ay u helaan maal-gashi dibadeed.

Mida kale, waxaa qaarada Afrika si xawliya uga socda hirgalinta warshadaha yar yar iyo kuwa meel dhexaadka ah, ee lagu macmalo alaabooyinka beeraha iyo khayradka qaydhiin ee qaaradu leedahay.  Haddaba, waxaa loo bahan yahay in Afriki dhiiri galiso tayaynta wax soo saarka warshadaheeda si u helan sumcad fiican, una fududato suuq gaynta calamiga ah.

Aqoon ku salaysan Xirfada (Skill Based Education)

Guud ahaan qaarada Afrika, gaar ahaan Somaliland waxay u bahan yihiin inay dadkooda baraan xirfado lagu shaqaysan karo. Dalka Jermalku waxuu dalal badan oo Yurub iyo calamka ah ku dhaafay xirfada farsamada gacanta. Sidoo kale, dalka Koofurta Kuuriya oo mudo afartan sano ka hor ahaa dal yar oo beeralay, ayaa waxuu dadkiisa ku dhiiri galiyay inay bartan  farsamda gacanta, khasatan warshadaynta. Taasina waa mida ka dhigtay inuu dhaqaalihiisu noqdo kuwa calamka ugu sareeya, ama loo yaqan indho-sarcadka kobaca dhaqaalaha.

Dhaqaale ku xidhan dhoofin (Export Driven Economy)

Qarada Afrika waxay dhoofisa khayradka qaydhiin, sida macdanaha iyo dalaga beeraha. Lakiin waxay u bahanahay in ay dhiiri galiyan waxa soo saarka warshadaheeda,  ee lagu isticmaalo qarada gudaheedana iyo  dibadeeda. Tusaale ahaan Somaliland waxay dhoofisaa xoolaha nool. Haddaba, si shaqo abuurid aynu u samayno, waxa aynu u bahanahay in warshado hilibka lagu qalo aynu dalka ka hirgalino.

Maalgalinta kabayaasha dhaqaale wada jirka Afrika (Pan African Infrastructure Investment)

Qarada Afrika waxay u bahan tahay in ay dhisto kabayaasha dhaqaalaha, sida garonada diyaradaha (airports), wadooyinka iyo dekadaha. kuwasi oo qarada isku xidhaya, calamkana ku xidhaya.

Waxaana tusaale fiican u ah, mashruucaya dekada Berbera, Airport-yada iyo wadada isku xidha Berbera iyo Itoobiya. Mashruucyada waxay ka mid yihii kuwa qaradu u bahan tahay.

Mida kale, gumaystayasha qarada haystay waxay kala wateen habab kala duwan ooy qarada ka hirgaliyeen. Tusaale ahaan, tareena laba dal oo isku xiga ayaa leh wadooyinka-xadiida oo kala duwan. Teeda kale, dalalka qaar ayaa bidix baabuurta ka wada, xagay kuwa kalena midigta ka wadan. Taasina waxay adkaynaysa isku socondka, khasatan isku socodka bayacmashuriga qarada.

Haddaba, si mashruucyada kabayasha dhaqaalaha loo hirgaliyo waa in la dhiiri galiyo iskashiga dawlada iyo sharkadaha gaarka loo leeyahay (ama Public-Private Partnerships).

Dhiiri galinta ganacsiga dadka abuuran (Focus on Enterpreneurship)

Dalalka qarada Afriki waa in ay dhiiri galiyaan ganacsiga dadku abuuran (ama Entrepreneur). Khasatan, kuwa cilmiga casriga ee dhijital-ka (digital).

Qurbo-joogta (Leverage Africa Diaspora)

Horumarka dalka Shiinaha waxaa qayb wayn ka ahaa qurbo joogta Shiinaha. Dadka Shiinaha ee dalkooda dibada kaga maqan waxaa lagu qiyaasay in ay yihiin 16 Million. Haddaba, markii dalka Shiinuhu ogalaaday isku furfurka dhaqaalaha, ayaa qurbo joogteedu maal-gashi kaliya ma samayn ee waxay xirfad, aqoon iyo wayo-aragnimo lahaayeen dalkooda kula soo noqdeen.

Madaxwaynaha dalka Gana (Ghana), Nana Akufo-Addo, oo qudbad uu ku dhiiri galinayay qurbo joogta Afrika ee ku nool dalka Fransiiska u jeediyay, ayaa wuxuu u sheegay in US $52 Billion ee maalgashiga ee Shiinaha, ee ugu horeeyay ay half ama US $16 Billion ka timid qurbo-joogta Shiinaha. Taasina waa mida keentay in Shiinuhu horumarkiisu si xawliya u hana qaado.

Sida oo kale, Professor Jagdish wuxuu u soo jeediyay in qaarada ka faa’iidaysato qurbo joogta sida Taywan (Twain) oo kale. Wuxuu Professor-ku yidhi; sideetameeyadii waxaa ku noola, una shaqaynayay hay’ada SIPA (Science Industrial Park Administration) ee laga leeyahay Taywan. Hay’adan SIPA waxay dawlada Taywan u samaysay qurbo joogteeda. Qurbo Joogta Shiinaha (ama Taywan) ee Maraykanka ku noola ee Saynis-yahanda ahaa, Injineerada ahaa, ee u shaqaynayay sharkadaha waawayn ee Maraykanka sida IBM, HP iyo XEROX, ayaa lagu dhiiri galiyay in ay dalkooda ku soo noqdan, sharkado Teknoolagiyo (Teknology) ah ka bilaaban. Taasina waxay hormood u noqotay kobaca dhaqaalaha ee Taywaan een la qiyaasi karin. Tusaale ahaan; Taywan oo ah dal ay ku nool yihiin 23 Million oo qof, oo sida Somaliland Ictiraaf haysan, ayaa hadan calamka ka noqonaya dalka 19 ee ugu dhaqaalaha wayn. GDP-PPP Taywan waa $1.340 Trillion (2019), GDP qofkiina waa $24,828. Taywan waxay ka dhaqalo badan tahay dalalka, Masar, Bakistan, Najeeriya iyo Koonfurta Afrika.

Maalgashiga kobcinta sumcada iyo xayaysiinta (Invest in Branding and Marketing)

Dhaqaalo xumada Afrika waxaa kow u ah sumcad xumada iyo sida calamku u arko Afrika. Warbaahinta calamku waxay calamka ka dhaadhiciyeen in qaarada iyo dadka madaw meel kasta ooy joogan ayna waxba qabsan karin, isna maamuli karin.

Teeda kale, hogaan xumada qarada ka jirtana way u markhati furtay. Waayo, dalkasta oo qarada ku yaal, waxaad arkaysa dadka macluul iyo darximo hayso. Kuwa qaarada cadawga u ahina way sii buun buuniyan.

Waxaa dhab ah in dhibaatada qarada haysata gumaysiga Yurub iyo adoonsiga dadka madaw sabab u yihiin. Lakiin waxaa qarada ku yar hogaamiye danta dadkiisa ka hor mariya tiisa. Cadawgu Afrika ee doonaya in ay khayradka qaarada gurtaan, waa intay doonayaan.

Sida daraadeed, Afrika waxay u bahan tahay in ay maal-galiso kobcinta sumcadeeda. Samayso Telefashano calamka la hadla oo qarada iyo horumarka ka jira uga sheega. Ugu danbayntii, waa in Afriki sumcadeeda kor u qado, si ay u soo jiidato maal gashiga calamka, isla markana u hesho dalxiis badan oo u dawosho yimada nimcada uu Illahay ku manastay qarada sida xayawaanka duurjoogta, cimilada fiican iyo quruxda dadkeeda iyo dagaankeeda.

Dimuqradiyanta ama wada lahanshaha Hantida (Democratize of Wealth)

Ugu danbayntii waxaa uu Professor Jagdish soo jeediyay in kobaca dhaqaalahu aanu noqon mid dabaqada sare oo kaliye ka faa’ido. Lakiin waa in dabaqad kasta uu gadho. Sida daradeed, waa in ay dawladu samayso hab ay ku ilaalinayso in dhaqaalaha dalku aanu iskugu ururin koox yar oo kaliya.

Gaba gabadii, qarada Afrika waa in ay wax ka barato dalalka horumarka sameeyay, khasatan dalalka Asiyada fog. Dadkeeduna waa inuu u jeedsado siday dalalkooda u hori marin lahaayeen, waana in ay iska dhafan in ay iyagu isku mashquulan.  Haddab, dalalka Afrika, si dadkoodu u heli lahaayeen shaqooyin fiican iyo nolol fiican, waxay ku tartami doonan kobaca dhaqaalaha. Dadka dalkooda ka hirgaliya hab dawladnimo oo kala danbayn iyo dawlad wanaag ka jiro ayaa ka faa’idi doona kobaca dhaqaale ee qarada. Haddaba, qofkasta oo danaynaya in ay Somaliland ka mid noqoto dalalka guushu racdo waxaan ku dhiirinayaa in tageeran 10 qodab Forum-ka DAN QARAN (www.danqaran.org).

Dalalka qaarada Afriki waxay u kala bixi doona: Kuwa soo jiita maal gashiga calamka iyo kuwa soo jiita qashinka iyo sunta calamka iska qubayo. Midka uu dal noqonayana wuxuu ku xidhnaan doona waxa ay dadkiisu raban, habka dawlada raban iyo dadka ay doortan in ay hogaamiyaan.

SOMALILAND HA NOOLATO !!!!

QALINKII; OMAR A. YOUSUF

Omaryousuf455@gmail.com

WWW.DANQARAN.COM

 

COMMENTS
LINKS