Madaxweyne Muuse Biixi Wuxuu Ka Ogolaaday Koonfurta Somaliya In Gaani Iyo Moorgan Caruurtoodu Hargeysa U Yimaadaan Kubad! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi Wuxuu Ka Ogolaaday Koonfurta Somaliya In Gaani Iyo Moorgan Caruurtoodu Hargeysa U Yimaadaan Kubad!
June 28, 2020 - Written by Editor:

Runtii Maalmihii Shirku Socdey, Shacabka Reer Somaliland Waxey ku Diirsadeen Khudbada uu ka Jeediyay Madasha, Ee ku wajahneyd in uu kaga waramo Xaqiiqda Somaliland taala, halka Reer Koonfurka Shirka fadhiyay oo Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal-wasaarihiisu horkacayeen, u Qaadan Waayeen Beentii ay Sheegeen, oo fashilantey oo haddana Noqotey Waxaan Suurtagal aheyn, oo Xaqiiqda ka Fog taas, oo dhabana hays fajac iyo amakaag ku Noqotey Madaxdii Dawladaha midawga Yurub, Mareykankii Beentii loo Sheegay usii Sheegay Dawladoodii iyo Madaxdii dalalka Afrika ee ay Heshiisyada Cusub iyo Siraha Wada gaadheen.

Waxeynu ognahay in Xisbiga Kulmiye Marka loo eego Calaamadiisa labada gacmood, Waxey Dad badani moodayeen in ay Tahey Xisbigii umadda Somaliland midaynayey, laakiin Waa Xsibigii Furfurayay Somaliland  Sababtoo ah, Madaxweynihii aasaasay Kulmiye Siilaanyo, Wuxuu inaku Sameeyay Ficilo Furfuraya Somaliland Waayo, Wuxuu furey Marka hore Qoddob Dastuuri ah oo uu Soomaaliya kula galey Heshiisyo madhalays ah oo Somaliland dhibaato u keenay sida Madaaradii iyo Waxyaabo badan oo inaga Wareegay oo uu Xasan Sheekh lacag ku dhaqaale ku Weydaarsadey, haddana uu Lacag u Dhiibay Gudiyo Xamar tagey oo aan Waajiba aheyn, Sidaas oo kale Muuse Biixi Madaxweynaha Somaliland Wuxuu Khudbadiisii u horeysay noogu Sheegay in Wadanka Elatariya Sodon Sano oo ay Dagaalamyeen iyo Sodon Sano oo ay Cunaqabatayn kujireen haddana Mawqifkoodii ka kici Waayeen aduunyadiina halkaa ugu tagtey.

Muuse Madaxweynaha Somaliland ee Maantu Wuxuu Duhur Cad taggey Adissababa isagoo Shacabka Somaliland u Sheegay, In uu ka Qeyb Galeyo Shirkii Ururka Afrika laakiin Wuxuu gaar ula Kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Aby Ahmed Wixii ay kawada hadleen Madaxweynihii inooma Sheegin Laakiin Maalmo kadib, Waxaynu maqalnay Madaxweyne Farmaajo ayaa Hargeysa imanaya Waa laga Jawaabay, oo Dareenkii Bulshada ayaa Siweyn uga Biyo Diiday, Waxaana uu Wali Socdaa Madaxweyne Muuse Biixi Wadadii Madaxweynihii ka Horeeyay Axmed Siilaanyo oo kale ah oo Raacaya Qaaciidadii Kaba Gacmood ee isa Salaamaya, oo u eeg in Koonfur lala Midoobayo.

Haddaba Isku soo Wada geeyoo, Sidee Maanta Muuse Biixi Looga aqbalayaa Caruurtii Gaani iyo Moorgan ayaan u Iglolaaday In ay Haffetsa Kubad ku Ciyaaraan, Miyuu ina Marsiin karraa maya maya maya ma yeelayno laakiin isagaa ku Ceeboobay.

QALINKII; Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339

COMMENTS
LINKS