“Lixdan Guurada Lixdankii: “Ma Shantaa Laba Ah, Mise Labadaa Shanba Ah?Boobe Yuusuf Ducaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Lixdan Guurada Lixdankii: “Ma Shantaa Laba Ah, Mise Labadaa Shanba Ah?Boobe Yuusuf Ducaale.
June 28, 2020 - Written by Editor:

Qoraa iyo Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Somaliland

27 Juunyo 2020

Qoraalka sawirka,

Xafladdii 26 June ee magaalada Hargeysa

Halgan dheeraa, haydaar badnaa oo hub iyo heesba la isku hurgufay dabadii ayay shacbigii Maxmiyaddii Ingiriisku gumeysanayay degganaa soo hooyeen libin la haybinayay. Waa 25kii Juun, sannadkii hoodada lahaa ee Afrika. Waa 60kii oo 60 sannadood laga joogo, munaasabadihii lagu muuneeyay aan xabbad-qaado:

Garoonkii u dhawaa malcaamaddii Ina Baraawe (Masaajidka Ibraahin Dheere) ayaa casar la isugu soo baxay. Filib Karal oo gumaysigii ka wakiil ahaa iyo Cigaal oo dawladdii dhalatay hoggaaminayay ayaa joogay. Labadii calan ayaa la is-weydaariyay Timacaddena geeraarkii Kaana sib, Kanna saar ayuu ka tiriyay, Koox reer Scotland ahayd oo Cadan laga keenay ayaa miyuusig tumaysay,

Habeennimadii Beerta Xorriyadda ayaa lagu dabbaal-degay saqdii dhexena calankii lagu saaray iyada oo 21 madfacna loo riday,

Subaxnimadii 26kii Juun garoonkii Boolooga (Istaadiyamka Hargeysa) ayaa la isugu tegay oo Cigaal iyo madaxdii Soomaaliyeed salaam kaga qaateen ciidankii millateriga. Subaxdaa laga bilaabo dalku xor ayuu ahaa oo gumeystayaashii shalay galabnimadii ayay ka hulleeleen,

Wefdi Xildhibaanno ahaa oo Aadan Cadde hoggaaminayay oo Xamar ka yimid ayaa ka qayb galay. Wefdigaas iyo 5 xubnood oo ka mid ahaa Kooxdii Walaalo Hargeysa ayaa subaxnimadii Muqdisho u ambo-baxay si’ ay uga qayb qaataan xafladda xornimada 1da Juulay ee Gobolka koonfureed xornimada uga qaatay Talyaaniga gumeysan jiray.

Isla markaana labada gobol ee ay kala gumeysteen Ingiriisku iyo Talyaanigu is-raacayeen si’ loo xaqiijiyo midnimada shanta Soomaaliyeed oo ahayd beryahaa aragti Soomaaliyi meel ay joogtaba ka mideysneyd.

Xaggee ayay aragtidaasi ka timid? Mudane Cigaal ayaa mar RTD-da Jabuuti wareysanasay 1994kii sidan u dhigay isaga oo ka ambo-baxayay mar uu Ingiriisku ka wada talinayay: Jigjiga, Hargeysa, Muqdisho iyo Gaarisaba:

1.Socodkii dadka oo isu furmay,

2.Ganacsigii oo isaguna isu furmay, taasina keentay horumar iyo noloshii dadka oo kor u kacda,

3.Dadkii gobolladaa kala duwanaa deggenaa oo maamulkii iyo dokumentigiiba ka midoobay taasina noloshii fududaysay,

Intaas Cigaal sheegay waxa raaci karayay curiyayaal ama cawaamil dibadeed oo iyaguna aragtidaa taageerayay.

Ingiriisku maba qarsan oo wuxu soo dhigay qorshihii ‘Bevin’ oo loogu magac-daray Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda oo soo jeediyay in Soomaalida hal gumeysi la hoos geeyo. Isaga ayaa isku waday waana lagu gacan-saydhay. Danayntii Ingiriiska ee furitaankii BBC-da mar lala furay afafka Xawsaha iyo Sawaaxiliga ayaa iyaduna markhaati u ah.

Masaarida ayaa noqon karaysay iyaduna curiye kale oo u ololaynayay midnimada Soomaaliyeed oo ay dan weyn oo ilaa maanta aawani ugu jirtay oo daarran dhaqaale iyo amnigeeda qowmiga ahba. Barnaamajyadii kicinta ahaa ee Idaacaddii ‘Sowtal Carab’ ee Qaahira ee kontonnadii qarnigii 20aad iyo Idaacaddii af-soomaaliga ku hadlaysay ee danbe ayaa marag ka ah.

Midnimada iyo isu-hilowgii shanta Soomaaliyeed intaas oo keliya kuma fadhiyin ee waxyaabo badan oo kale oo islaannimada iyo Soomaalinnimadu ka mid yihiin ayaa dadka isu soo jiidayay. Dhur iyo dhaqan ayay wadaageen. Qaybin la kala qoqobay iyo midiidinsi ayay wadaageen. Intaas oo dhan ayaa boholyowga iyo isu-hilowga keentay.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Carruur magaalada hargeysa ku soo dhaweynsay wafti ka socday gumeystihii Ingiriiska 1950-maadkii

Mideynta shanta Soomaaliyeed hiigsi iyo himilo aan lala gabban ayay u ahayd dadka Soomaaliyeed meel ay joogeenba. Dabkaa iyo oogtaa isu-keenidda dadka Soomaaliyeed meel walba waa ay ka baxayeen. Mararka qaar Xamar baa shidneyd. Mararka qaar Jigjigaa aawaneyd. Maxamuud Xarbi Faarax oo ahaa Guddoomiyihii ugu danbeeyay ee ururkii Pan Somali ayaa mararka qaar oogtaa calan-side u ahaa, Ilaahay wuxu qaddaray in ku-sinnaan dhammaadkii komtomkii qarnigii 20aad Maxmiyaddii Somaliland noqoto xarunta iyo xuddunta waddaninnimada Soomaaliyeed. Dareenka mideynayay yuhuunta iyo yididiilada dadka Soomaaliyeed oo ka daaran Hargeysa ayaa 26kii Juun, 1960kii la xaqiijiyay madax-bannaanidii Somaliland. Sidaas ayuu Somaliland ku fuulay xil ka weyn oo ka culus kii hore u saarnaa.

Somaliland waxay go’aansatay in ay Soomaaliya oo madax-bannaanideedii Talyaaniga ka qaadanaysay 1dii Juulay, 60kii is-raacaan si’ ay horseed ugu noqdaan mideynta shanta Soomaaliyeed, Is-raacan labada gobol laba arrimood ayaa loo sababayn karaa markaad xagga Somaliland ka soo joogsato:

Fulinta nidarkii Soomaaliyeed ee aan qornayn rasmigana ahayn ee mideynta shanta Soomaaliyeed,

Is-diiddo iyo isa-seeg dhex yaallay hoggaankii siyaasadeed ee markaa jiray ama fal-celiskii ka dhashay saluugga xubno saamayn hoggaamineed lahaa. Waxa intaa raaca dano qofeed, qabiil ama kooxeed oo ka dhex muuqan waayay nidaamkii dhismay,

Sidaas ayaa loogu ambo-baxay Muqdisho 1dii Juulayna madax-bannaanidii Soomaaliya iyo is-raacii labadii gobol ee xoroobay lagu xaqiijiyay.

Waxa bilaabmay dhismihii hay’adihii dawladeed oo aan si’ tixgelin leh loo qaybsan ee Soomaaliya sed bursatay oo aan wax naf leh laga siin Somaliland. Saluug, tabasho iyo niyad-jab aan ilaa maanta ka tirmin xiska dadka ayaa ka beermay. Waxa ka beermay wixii dhaliyay dagaalladii sokeeye iyo la soo-noqoshadii madax-bannaanidii Somaliland.

Qoraalka taariikhda iyo buugaagta midna ma aawanayn berigaas ee bal hadda aan deymoonno hal-abuurkii waayahaa la noolaa waxay ka yidhaahdeen:

Adan Cabdulle Cusmaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isa salaamayay maalintii xuriyadda ee 1960-kii

Dr. Cabdirashiid oo Ra’iisal-wasaare ahaa ayaa gobolkii woqooyi booqday bilowgii Ogos, 1960kii booqasho ku tegay. Bil iyo maalmo ayuu is-raacu jiray. Timacadde ayay Kalabaydh oo Gebilay ka tirsan ku kulmeen. Geeraar soo-dhaweyn ahaa oo Timacadde maalintaa tiriyay waxa ku jiray:

“Dabuub aanu maqlaynay,

Dareen baan ka qabnaayoo,

Dugsigii Baarlamaankiyo,

Dekeddii Xamar baa leh,

Berbera daadku ha qaado,

Doonniyi yaanay ku leexan,

Ha daadduumo dadkeedu,

Duqaydii Barlamaankaay,

Danteennaa laba diiddaye,

Labadaa kala daaya oo,

Yaan loo deymo la’aanin,”

Cali Sugulle Dun-carbeedna Riwaayaddiisii Indho-sar-caad ee 1961kii hees ku jirtay waa kii calanka Soomaaliyeed ku lahaa laba mid baad noqon:

“Wallee ama calan jira,

Oo caan ah baad ahaan,

Oo lagu cawaansayey,

Ama calal maryaha,

La-cayn ah baad ahaan,

Oo ciirsi weynayeey,

Caydhiin iyo biseyl,

Mid uun ku caano maal,

Cirkaan caad lahaynow,”

Sagaal sannadood ayaa sidaa ku dhammaaday. Inqilaabkii 21kii Oktoobar bilowgii waa la soo dhaweeyay waxaanu ku dhammaaday xasuuq iyo qarannimadii oo ku duntay.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal oo gacan qaadaya codbixiyayaal isugu soo baxay u codeynta aftida loo qaadayay dastuurka Somaliland sanaddii 2001

Maanta 60kii waxa laga joogaa 60 sannadood. 60 sannadood ka dib haddana waa la kala maqan yahay. Isku-maqnaansho 30 sannadood qaatay oo lagu ladhay kala-maqnaansho 30 sannadood ah ayaa keenay 60 sannadood oo maqnaansho maqnaanshihii ah.

Hal-xidhaaluhuna waa: Ma shantaa laba ah, mise labadaa shanba ah. Bal markaa Soomaalida macnee!

QALINKII; QORAA CADIRAXMAAN YUUSUF DUCAALE “BOOBE”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews