“Muxuu Qabtay Ee Uu Ku Mutaystay Shahaado!Xamse Khayre. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Muxuu Qabtay Ee Uu Ku Mutaystay Shahaado!Xamse Khayre.
June 28, 2020 - Written by Editor:

Taliyaha Ciidamada Bileyska JSL Sanad Wali Muu Dhamaysan Intuu Xilka Hayey, Ilaa Maalintii la Magacaabay Ilaa Maanta Way Amaanayaan inankaa, dhamaanna ka daacad maaha amaantaasiye waa ka Guulwadenimo,

Dhaqankii waxaa inaga dishay Dawladii Faqashta oo dadka bartay qaabka loo guulwadeeyo, intii ka dambeysay ee waynu xorownay aynu lahayna waynu sii baraaktis garaynay Guulwadaynta oo sheekooyin aad u qosol badan ayaaba aynu kasoo aragnay Guulwadaynta.

Magaalada Wajaale  ayaa maalmahan wadwaday Shahaado sharaf waxay u bixiyeen oo ay siinayeen Jananka iyo Askari kale oo Wajaale Bilayskiisa haysta.

Anigoo la yaaban Maayar Muraad iyo Soltelco oo Farmaajo u jawaabaya, ayaan hadana la sii yaabay Gudoomiyaha Arabsiyo oo Farmaajo u hanjabaya, taasiba waa nooc ka mid ah istusnimada iyo Guulwadaynta.

Ummaddu ha iska jirto amaanta qof hawshiisa wata, maaha wax uu inagu sadaqaysanayo ee waa shaqo aynu udiranay, inuu qurxiyana wuu ku qasban yahay, inamadeena Golaha deegaankana u sheega in an loo dooran inay xamar u jawaabaane loo doortay inay Magaalooyinka Xashiishka inooga xaadhaan.

GUULWADE MA NOQON KARO.

Qalinkii Xamse Khayre.

 

COMMENTS
LINKS