Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Baaq Culus u Diray Macallimiinta Maddarasadaha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Baaq Culus u Diray Macallimiinta Maddarasadaha.
June 29, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N):-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka oo 30-ka June oo Salaasada Berri ku began dalka dib uga furmaya ugu baaqay inay fuliyaan awaamiirta badbaadinta Ubadka ay Qur’aanka barayaan ee ka hortagga Covid19, ka dib markii 23kii June Guddiga Qaran ee ka hortagga Xanuunkaasi qaadeen xayiraadihii cudurkaas lagu xakamaynayey, qaarkoodna qafiifiyeen, dibna u fasaxeen goobaha waxbarashada oo la xidhay 19-kii Maarso 2020-ka.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo Warbaahinta Kula hadlay Isniinta Maanta Xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa Waalidiinta ugu baaqay inay ogaadaan daryeelka Macallimiinta Carruurtooda Qur’aanka baraya oo uu sheegay inaanay badi wax mushahar iyo dhaqaale ah helin saddex bilood oo cudurka Covid-19 awgii loo fasaxay goobaha Waxbarashada ee Somaliland.

Wasiir Khaliil waxa uu sheegay in Farxadda iyo Aflaxaadda Ardaydu dedaalka ka sokow ay ku jirto ka Farxinta Macallimiinta, gaar ahaan Barayaasha Qur’aanka Kariimka ah, taas oo uu ku adkeeyey inay waalidku muujiyaan, isla markaana hirgelinteeda la yimaaddaan.

Mar Wasiirka Diinta iyo Awqaafta la weydiiyey inay jiraan qorsheyaal gaar ah oo ay Dugsiyada Qur’aanka ee dib loo furayo kula socon karaan Wasaarad ahaan iyo Guddiga ka hortagga covid19, waxa uu ku jawaabay; inuu jiro Kormeerka guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ay Dugsiyada Qur’aanku hoostagaan maamul ahaan oo si joogto ah ula socon doonaan habka ay u dabbaqaan awaamiirta la faray ee nadaafadda, kala fogaanshaha, badqabka ubadka iyo ilaalintoodaba, sidoo kalena ay Guddiga Qaran si guud ula socon doonaan cidda fulisa iyo cidda fulin weyda qodobbada laga doonayo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS