Isdhex-galka Somalia Iyo Somaliland Hada Muu Bilaabmine Xiligii Wadahadalada La Furay Iyo Horteedba Wuu Socday ! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isdhex-galka Somalia Iyo Somaliland Hada Muu Bilaabmine Xiligii Wadahadalada La Furay Iyo Horteedba Wuu Socday !
June 29, 2020 - Written by Editor:

Isdhex-galku hadda muu bilaabin ee waxa uu bilaabmay markii la furay wadahadalada Somaliland iyo Somalia , waxaana ay madaxdii xiligaasi horteena ka sheegeen in si dhuumasho ah loogu kulmi jiray Somaliland iyo Somalia gudaheega iyo dibada dalkaba intii aan sharcigii la laalin lalama kulmi karada ahaa.

Waxa la yaab leh in xukuumadii ka horeysay taa Siilaanyo ee uu hogaaminayey Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin marwalba axsaabta mucaaradka iyo warbaahintu ay ka hadli jireen in ay Somalia la kulmaan , waxa aan xasuustaa xili uu Madaxwayne Rayaale iyo Madaxwayne Cabdilaahi Yusuf diyaarad wada raaceen ayaa aad warbaahinta dalku wax uga qortay , dabadeedna Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii uu soo noqday la weydiiyey waxaana uu ku jawaabay haa diyaarad baanu ku kulanay oo odeygu wuu xanuunsanayey oo waan bariidiyey.

Waxa kale oo jirtay in shakhsigii loogu hadalhaynta badnaa xukuumadaa oo ahaa Xuseen Cali Ducaale Cawil oo socdaalkiisa dibadu badnaa aad loogu eedayn jiray in uu Somalia la kulmo oo ay Cali Maxamed Geedi Nairobi isku arkeen dhawr goor , arimahani oo xiligaasi ahaa xasaasi ayaa dadka wadwadi jiray waxa kow ka ahaa madaxda maanta iyo kuwii xukuumadii hore.

Waxa sidaasi oo kale aan xasuustaa Muuse Biixi oo qaybe waraysi uu bixiyey ka daba tagey , wareysigaasi waxa ku jirtay in uu qaybe Alle ha u naxriisto e sheegay in uu telefoonkiisa kala hadlo Cabdilaahi Yusuf Axmed oo xiligaasi ahaa Madaxweynaha Somalia isagana Alle ha u naxariisto e , oo uu Muuse oo qawlalada ka xumbeynayaa lahaa ma maanta ayuu ninka baarlamaanka haystaa horteena waxaa ka leeyahay?

Waxa isweydiin leh arimihii Somaliland iyo Somalia ee halkaasi laga taagnaa , la iskuna ogaa inta dawlad Somaliland la mid ahi oo Somalia meteshaa dhalanayso yaan lala kulmin ayaa si dhib yar loo furey wadahadaladii oo aan laba calibisweydiin , horteena ayaa haddana ragii wadahadalada wadey ay ka sheegeen in ay Somaliland ku khasaartay wadahadaladii ay Somalia la gashay.

Waana run oo Somalia oo kumeel gaadh ah inta ay Somaliland wadahadal la bilowday ayey kaga baxday kumeelgaadhkii , haddana wadahadaladii sii socday ayey ku kasbatay Somalia aduunkii oo ay ku heshay aqoonsi caalamiya oo ay Somaliland na markhaati ka tahay , Somaliland oo arkeysa ayaa guud ahaan safaaradihii iyo xafiistadii caalamiga ahaa iyo kuwii goboladu ay muqdisho u wada guureen , halkaasi oo marka ay imanayaan Somaliland afka laga yidhaahdo safiirka Somaliland iyo Somalia.

Madaxwayne Muuse Biixi waxa uu ku celceliyey in wadahadalada Somaliland iyo Somalia si siman loo wado , laakiin marka dhinaca diblomaasiyadeed iyo xidhiudhada caalamiga ah laga eegayo waxa uu u dhigan yahay shirka Djibouti shir dib u heshiisiineed , waftiga Somalia u metalaya ee Somaliland waxaa hogaaminaya wasiirkooga arimaha gudaha oo u dhigan in arin somalia gudaheega ah la xalinayo halka Somaliland uu wasiirka arimaha dibadu marayo.

Waxa ayaan darro iyo qaran dumisnimo ah in uu Madaxweyneheena iyo waftigii xukuumada Somaliland qodobo wiiqaya qaranimada Somaliland isla markaana si dhab ah intii Somaliland hadhsanayd ay Somalia u hoos tageyso , taasi oo gef iyo meel ka dhac ku ah halganadii kala duduwanaa ee dadka Somaliland 60kii sanadood ee la soo dhaafay ku soo jireen.

Waxa aan la yaabanahay Madaxweyne Biixi oo shaqsiyan inta aan ka aqaano amaba ka soo arki jiray ahaa arimaha qadiyada Somaliland dadka ugu adadag ee siyaasiyiinta Somaliland ku jira waxa ilaa xadkaa malmalay ee la dabcay ee uu waliba u difaacayo qodobo duuduub uun la inoogu sheegay oo aan wali fasir farsamo iyo mid sharci midna laga bixin laakiin aynu afkiisa uun ka maqalnay isdhexgal baa soconaya oo calanka iyo passport ka Somaliland oo dalku gal lagu dhuftay ayaa lagu tegayaa ?

Waxa iyada oo xaaladaha noocan ahi jiraan maqan oo aan meesha ka muuqan kaalintii xisbigii labaad ee aqlabiyada dalka helay oo u muuqda in uu ku dhacay kiishada xukuumada ee gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi cabdi, waxa bogaadin mudan xisbiga Ucid iyo eng faysal cali waraabe oo mawqif cad iska taagay wadahadalada Djibouti ee Somaliland iyo Somalia.

Qalinkii; Hogaamiye Dhimbiil

COMMENTS
LINKS