Dulmiga Dul-hoganaaya Saldhigyada Booliska!W/Q;Cabdirasaq Askar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dulmiga Dul-hoganaaya Saldhigyada Booliska!W/Q;Cabdirasaq Askar.
June 29, 2020 - Written by Editor:

Maanta ayay ahayd markii hawl iga soo gashay Saldhiga Booliska ee Degmada Koodbuur. Waxaan kusoo arkay halkaas run ahaantii wax laga yaxyaxo oo dulmi xadka goostay iyo shacab aan dambi lahayn oo habeen iyo maalin lagu guraayo qolal tobaneeyo ah oo muqaal ahaan iyo nadaafad ahaan aad is odhan karto malaha kuwan looguma talagalin bani-aadam . waa goob ay ka dheertahay cadaalad iyo xuquudii qofka rayidka ahi leeyahay ee marka dambi lagu soo oogo ee saldhiga lakeeno loo baahna in la dhagaysto si uu isaga dufaaco waxa lagu soo eedeeyay balse taa badalkeeda waxa aad arkaysaa iyada oo la leeyahay; suunka fur , kabaha fur iyo mobilka keen. Waxa halkaa dad muwaadiniina oo rag iyo haweenba lah ka qaylinaaya oo dulmi iyo cadaalad daro lagula kacaayo oo ay kula kacaayaan Masuuliyiinta madaxda ka ah Saldhigaa Booliska iyada oo aan rumaysanahay inay ka wada siman yihiin saldhigyada oo dhami balse ka aan usoo joogay waa kan ku yaal degmada koodbuur.

Dhinaca kale , goobaha saldhigyada markaad gudahooda gasho gaar ahaan meelaha dadka lagu xidho… nadaafad daradooda waxaabad is odhan kartaa malaha masuuliyiinta Ciidanka boolisku waxay u qabaanba in gudaafada ay dadka nooc walba leh ku xidhayaan inay tahay toorjar iyo ciqaab sharcigu u baneeyey.

 

Waxaa kale oo aad layaabaysaa daranyada dushooda ka muuqata iyo baahiyaha ku gadaaman askarta ka hawl gasha saldhigyadaa iyo sida qofka dani kasoo gasho ay ugu kala badinayaan si ay wax u weydiistaan taas oo run ahaantii keenaysa dulmiga ay ku qabaan xukuumda dalka ka jirta ee ka gaabisay inay mushahar ku filan siiyaan ciidankaa dablayda ah ee ku dayacan goobaha saldhigyada dalka.

Waxaan usoo jeedinayaa Madaxweynaha dalka Muuse biixi in uu fiiro gaara u yeesho hab-dhaqanka Madaxda ciidanka booliska gaar ahaan masuuliyiinta mdaxda ka ah Saldhigyada dalka iyo dayacnaanta dablayda ka hawlgasha iyo dulmiga lagu hayo dadka rayidka ah ee muwaadiniin waxba galabsan dambina aan galin ee ay gudaha ku gurayaan qolal aad kharaabado moodo.

Wabillahi tawfiq

QALINKII; Cabdirasaaq Askar

Hargeisa, Somaliland

COMMENTS
LINKS