Shirkii Jabuuti Lagu Qabtey Waa Ilduufkii Lixdankii Mid Ka Xun Oo Ah Shidaalka Laga Saarayo Mustaqbalka Somaliland In Sexeexooda Farmaajo Yeesho! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkii Jabuuti Lagu Qabtey Waa Ilduufkii Lixdankii Mid Ka Xun Oo Ah Shidaalka Laga Saarayo Mustaqbalka Somaliland In Sexeexooda Farmaajo Yeesho!
June 30, 2020 - Written by Editor:

Marka aynu usoo Noqono, Shirkii Dhawaan Lagu Qabtey, Dalka Jabuuti oo ay Dawladaasi ka aheyd Dilaalkii u Weynaa Maadaama Dawllada Mareykanku Ku Doonayso in ay Kasii Sexeexdo Wakhtiga kala Guurka ah ee Madaxweyne Farmaajo Mudo Xileedkiiisu dhamaanayo Si Shirkadaha Mareykanku u Qodaan una soo Saaraan Mustaqbalka islamarkaana, aanay Shirkadi kale oo Dawladaha Waaweyn ee aduunku Fursadahannu helin, Shidaalka Kujira Dhulka Somalikand intiisa ugu baddan inta marina kujirto Koonfurta Soomaaliya Qeybo aan Gacanta ugu jirin Madaxweyne Farmaajo.

Ma jirto Midnimo Siyaasadeed iyo Isdhexgal lags rabo Shacabka Slmaliland iyo Koonfurta Soomaaliya Dawlada Qadar oo uga Wakiil ah Dawlada Mareykanka ayaa ku Bixinaysa in Soomaaliya loogu Sii Gogol xaadho Shidaalka Kujira Soomaaliya taas oo ay Dawllada Qadar la Doonayso in Soo Saarista Shidaalja Soomaaliya uu Sexeexa gabi ahanatiisba Yeesho Madaxweyne Farmaajo Sidaa daraadeedna ujeedada Shirkaa Jabuuti Loo qabtey ee ay Jabuuti Dilaalka ka aheyd Waxay ujeedadiisu aheyd in lacagta Dawllada Mareykanku Hurumarinta usii Bixisay

Tusaale ahaan Koonfurta Soomaaliya, ee badhkeed ka Maqan yahay, Gacanta Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwaarihiisa Kheyre Waxa la Sheegay in ay jiraan 24 Baloog oo Batrool ah halka Somaliland ajiaaraan 27B g  oo aynu Gacanta ku hayno ee Nabadgalyada ah ee Maantadaa aanay Habayaraatee Wax Shuruud ahi ku Xidhnayn Aduunka gabi ahaantiisaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxa uu Masiirkii umadda Somaliland u Sexeexay Qadar lacag ah, oo Maanta lagu kala qaadanayo Lacagaha Dawllada Mareykanku ugu Sii Gogol Xaadhayso, Soo Saarista Shidaalka Soomaalida ee Dawllada qadarna Wakiilka uga Tahey oo  2 Bilyan uu isagu ka helayo Laba Boqol oo Milyan oo lacagta dollars Mareykanka ah. Ma Taaseynu Qaadanaa Waa Xaqiiqda Shirkii Shirkii Dalka Jabuuti lagu qabtey Ujeedadiisii iyo Nuxurkiisu Daarnaa.

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339

 

 

COMMENTS
LINKS