WAJAALE NEWS

Ma Run Baa Mise Waa Been? W/Q;Aden Ismail.

“Ma Runbaa In Shaqaalaha Dawladda Beesha Madaxweynuhu kaga Badan Tahay Beelaha Kale?

Ma Runbaa In Shaqaalaha Dawladda Beesha Madaxweynuhu kaga badan tahay beelaha kale? Haddii ay runtahay, ma madaxweynahaa eedeeda leh?

Waxa an dhegeystay dad tirakoob ku sameeyay oo beel-beel u qaybiyay shaqaalaha dawladda gaar ahaan inta caasimadda joogta. Waxa u fiicnaan dadka tira koobtaa sameeyay bal in ay waddankoo dhan innoo soo tiro kooban magaalo walba inta ka shaqaysa iyo beelaha ay ka soo jeedan. Waxa dhab ah in magaalo walba beelaha degaa kaga badan yihin kuwa aan degin. Hargeisa waa magaalada keliya ee beel waliba ka hayso shaqo dawladeed waayo waa caasimaddii dalka. Reer Hargeisa kama shaqeeyaan ama way ku yaryihin Burco, Berbera, Lascaanood, Ceerigaabo iyo Borama. Anigu waxaba aan cudur u arkaa qofka shaqo dhigtay in uu beel-beel u soo waraysto shaqaalaha dawladda ee aan qaadan wax ka badan $200.00 meeshay doonaan ha joogaan e. Malaha dadkan ay qabyaadu dishootay ee tirakoobaha dhagaraysan ee dhanka ka raran bulshada ku dhex tuura waxa u fiicnayd in ay ku koobnaadaan dadka uu madaxwenuhu magacaabay intuu xilka hayay iyo sida ay beeluluhu ugu kala badan yihiin. Malaha taasaa siyaasad laga deyi karaa haddii ay run noqoto.

Wa salaam

Aden Ismail

Canada

Exit mobile version