Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Kuwa Xasaanadd Ka Qaaday Ma U Leeyihiin Awood Sharci!W.Q;Rashiid Maygaag. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Kuwa Xasaanadd Ka Qaaday Ma U Leeyihiin Awood Sharci!W.Q;Rashiid Maygaag.
July 1, 2020 - Written by Editor:

GUDDI-HOOSAAD (SHARCI DARRO Ah ) OO AAN QARAARKOODA HOR DHIGIN GOLOHOODA XEER DEJINTA, – HOGGAAMIYE XISBI XASAANAD IYO XIL KAMA QAADI KARAAN.

Waxa la yaab iyo ammankaag ah daala-dhaca bilaa xishoodka ah ee aqoonta iyo fikirka toosanba ka fog ee qaar siyaasiinteenna ka mid ihi maalin walba la hor fadhiyaan war-baahinta, taasoo caalamka iyo cadawgaba tusaysa in dad badan oo xil inoo hayaa aanay lahayn aqoon siyaasadeed.

Aqoon-darrada noocan ihi waxay ceeb iyo qaawin ku tahay qaranka guud ahaanba, waxayna shaqadooda ka mashquulinaysaa Madaxweynaha iyo Madaxda kale ee xilkooda qaran gudanaya oo maalin walba xal u raadin iyo qas-hoosaad lagu mashquulinayo.

Waxa wax lagu qoslo ah, Faysal oo dalkan marar badan ka badbaadiyay iska-horimaad iyo ammaan-darro , in lagu eedeeyo qas buu ka wadaa dalka.waxa marag ma doonto ah in run-sheegista, iyo hadallada daacadda ah ee Faysal mar walba ku dhawaaqaa ay ladh ku kiciso dad badan oo markaas colaad gaar ah u qaada,waana ta maanta keentay inay nacaybkooda qarsan kari waayeen oo iyagoo adeegsanaya xilka qaranku u igmaday, awooddoodana aan hubsan ku dhawaaqay hadalka jaban ee ka soo yeedhay.

Guddoomiye Faysal waxa doortay ummado badan oo reer Somaliland ah oo ay ka mid yihiin Sool, Guddoomiyahuna ay saaxiibtinimo gaar leeyihiin dadka reer Sool, ahna Musharrax xisbi oo xilka ay ka qaadi karaan golayaasha xisbigiisa oo keliya. ayaa ah wax lala yaabo in Guddi hoosaad yar oo muddo 10 sannadood ka badan bilaa sharci ku fadhiya Golaha sharci dejinta (Legislative Council), oo iyagoon xataa Golaha wax qoraal ah hor keenin ku dhawaaqay xasaanad ka qaadis iyo inaanu Faysal xisbigii soo doortay aanu hoggaamiye u ahayn, isla markaana ciddii La xaajoota xadhig mudan doonto…(Qosolnaye Ma Qososheen).

Ta kale waxa la yaab ah, dadka had iyo goor ka soo baxa waxbarashada Faysal ee uu ABCda siyaasadda u dhigo oo aakhirka noqda kuwo cadawgiisa kowaad ah, sida Bashiir Madoobe oo ahaa ardaydii u horraysay ee Faysal suuro-galka uga dhigay kursiga uu fadhiyo ee sannadaha badan ku daaqayay cashuurta umadda.

Gebagebadii iyo guntii, waa in dib loo akhriyo ama loo qeexo awoodaha xadaysan ee Guddi-hoosaayada Golaha sharci Dejintu leeyihiin, oo haddii kuwa hadda joogaa weli sii joogayaan, qaar badan oo xubno ka ah Guddiyadaas, waa in dib loogu diro jaamacadaha dalka iyo waxbarasho cusub.

Waa marag ma doonto in hadalkii ay dadka qaar ka faa’iidaysteen ee khaladka u fasireen in faysal dadka reer Sool wax u dhimay,  uu Guddoomiyuhu hadalkaa dib u fasiray isla markaana raalli gelin siiyay ciddii dhibsata – isaga iyo suldaanka Guud ee dalkuba. intii intaa ka badan ciddii ku bogsan wayda ayaa xaq u leh inuu Civil Case maxkamadda ka furto iyagoo aan dhenged ka dhiganayn Haydaha Qaranka.

Wa Billaahi Tawfiiq

Rasheed A Meigag Samater

(Hoggaamiyaha Somalida W. London).

COMMENTS
LINKS