Taliyihii Saldhiga Ciidanka Booliska Ee Magalaada Tog Wajaale Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Sobobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyihii Saldhiga Ciidanka Booliska Ee Magalaada Tog Wajaale Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Sobobta!
July 1, 2020 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Ayaa maanata xilki ka qaaday Taliyhii saldhiga Degmada Tog Wajaale Mr Nimcaan  Oo mudo dhowr bilood ah xilkaasi hayay ayaa maanta xilkii laga qaaday iyadoo taliye kalena loosoo magaacabay saldhiga degmada tog wajaale.

Majirto wax war oo kasoo baxay taliska ciidanka booliska Somaliland oo la xidhiidha sobobta xilka loga qaaday taliyihii Dada,yaraa ee degmada Tog wajaale oo  mudoda kooban xilka ciidanka booliska ee saldhiga wajaale hayay.

Wararka kale ee laga helayo xilka qadista taliyaha saldhiga magaalo ganacsiyeedka tog wajaale ayaa sheegay in ay salka ku hayso xilka qaadistiisu khilaaf soo kala dhex galay taliyaha Qaybta ee gobolka Gabiley kaasi oo mudooyinkii udanbeeyay khilaaf Culus udhexeeyay Taliyihii hore ee degmada tog wajaale kaasi oo la sheegay in uu galaaftay xilka taliye Nimcaan oo dhawaan isaga iyo taliyaha guud ee ciidanka booliska ay shahaado sharafyo gudoonsiiyeen dhalinyarada magaalada  tog wajaale.

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

 

 

COMMENTS
LINKS