Fanaan Maxamed Cige Busi Oo Goordhawayd Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fanaan Maxamed Cige Busi Oo Goordhawayd Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.
July 2, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N):-Alle haw nNxariistee waxaa Goordhawayd Magaalada Hargeisa ku geeriyooday fannaankii weynaa ee Maxamed Maxamuud Cige ‘Busi’

Alle haw naxariisto Fanaan Maxamed Maxamuud Cige Busi ayaa kamid ahaa Faaniinta muda dher kusoo jiray fanka somalida isagoo fanka kusoo Biiray 1984  isagooo kamid ahaa fanaaniinta aad looga yaqaan gayiga ay soomaalidu degto.

Waxaanu caan ku ahaan heeso kala duwan oo u qaaday qaranka somaliland oo ay kamid ahayd heesta SOMALILAND DALKAYGA.

Alle haw naxariisto Fanaan Maxamed Maxamuud Cige Busi waxaa uu hadda ka tirsanaa fanaaniinta qaranka somaliland ee hoos taga wasaarada warfaafinta iyo wacyigalinta somaliland.

isagoo ahaa  Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

laahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo Marxuum Maxamed Maxamuud Cige “Busi”

Abwaan Weedhsame oo kamid hal abuurka Somaliland ayaa dhambaal tacsi udiray marxuumka iyo bahda uu ka baxay isagoo ereyo kooban oo ku cabiray geerida fanaanka maxamed cige Buse

Isagoo qoraalka ka tacsida ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookga.

Naxdin lagama waayiyo adduun inu nusqaamaaye,

Nasabiyo nin door baa galbaday niyad-faneedkiiye,

Nabad-geliyo naaraha Ilaah kaaga noqoy deyre.

Ereyo Kooban Oo Kamida Tacsida uu u diray Abwaan Xassan Daahir ismaaciil weedhsame.

 

 

 

COMMENTS
LINKS