Taariikh Nololeed Kooban Ee Alle Ha U Naxariistee Fannaan Maxamed Maxamuud Cige “Buse”. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taariikh Nololeed Kooban Ee Alle Ha U Naxariistee Fannaan Maxamed Maxamuud Cige “Buse”.
July 2, 2020 - Written by Editor:

Waxaannu Tacsi u direynaa Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Maxamuud Cige (Buse) oo ka tirsanaa Fannaaniinta Qaranka Somaliland, marxuun Maxamed ayaa galabta (2 July 2020) ku geeriyooday magaalada Hargaysa, isagoo maalmahanba u jiifay xannuun haleelay.

Allaah ha u naxariistee Marxuun Maxamed Maxamuud Cige (Buse), waxuu ahaa masuuliyiinta waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, marxuum Maxamed wuxuu ka tirsanaa ruug-cadaayada faro-ku-tiriska ah ee wax laga weydiiyo guud ahaan Suugaanta Soomaalida, waxaanu hibo u lahaa inuu wada hayey oo xafidsanaa inta badan Gabayadii iyo Suugaantii dhinaca dhaqanka, waayaha ee  la tiriyay labadii Qarni ee ina dhaafay loogu iman jirey.

Marxuumku waxuu ahaa Oday kala wada, kana arrimiya waxyaabaha ku soo kordha Bahda Suugaanlayda, Saxaafadda, suugaan-dhaadhiyada, dad badan oo bulshada qiimo ku leh iyo guud ahaan bah-weynta Fanka (Art). Marxuum Maxamed Maxamuud Cige, wuxuu ka tirsanaa Hoobaladii caanka ahaa ee WAABARI ee suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida gaadhsiiyay dadyowga dunida.

Marxuum Maxamed wuxuu ahaa raggii wax ka soo jilay ama meteley riwaayadahii ugu magaca dheeraa, uguna murtida badnaa ee laga dhigo Golayaashii Murtida iyo madadaalada ee xiliyadii midowga iyo kala noqoshadii wadammadii Soomaalida.

Marxuunka riwaayadahii ugu caansanaa ee metelkiisa aan xusuusto, waxaa ka mid ahaa Riwaayaddii Masiibadu adduuyada iyadaa u macallin ah iyo Awbustaale, riwaayadahaasi waxay xambaarsanaayeen mawduucyo bulshada lagu tuso hab dhaqannada wanaagsan.  Maxamed Maxamuud Cige waxa uu ahaa fannaan, muusiishan, laxammiiste iyo jilaa caan-baxay oo lagu xasuusan doono suugaantii uu ka tegay. Marxuunka waxaanu uga tacsiyadaynaynaa qoyskiisa, bahda fanka iyo dadka afka Soomaaliga ku hadla, Ilaahayna waxaan uga baryaynaa Jannatul Fardowsa.

Haddaba, waxaa halkan tacsi ka diraya dadka kala ah; Tafatiraha Guud ee Wargaysyada Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi Cirro, Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye, Madaxa Qiimaynata Waaxda Cududda shaqaalaha, Jaamac Cawil Nuux

Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Caqli Haddi madaxa Tababarada waaxda Cududda Shaqaalaha, Abwaan Maxamed Xasan Cige, Siciid Khadar Ibraahim, Xaashi Xasan Xaashi Uurdoox, Cabdirisaaq Maxamuud Caalin Cabdoo. Dhamaanteen Samir iyo Iimaan.

DIYAARINTII; SUXUFI MASTAFE DHEEREEYE

COMMENTS
LINKS