Raysal Wasaare Abey Axmed Oo Dawlado Shisheeye Ku Eedeeyay In Ay Ka Danbeeyeen Dilkii fanaan Hachalu Hundessa, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal Wasaare Abey Axmed Oo Dawlado Shisheeye Ku Eedeeyay In Ay Ka Danbeeyeen Dilkii fanaan Hachalu Hundessa,
July 2, 2020 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)- Rabshadaha ka socda Addis Ababa ayey illaa iyo hada ku dhinteen sida la xaqiijiyey ugu yaraan 81 qof, waxaana Arbacadii magaalada Caasimada ah la geeyay ciidamo baddan oo militari ah si ay uga hortagaan kooxaha kacdoonka wada.

Fanaan Hachalu Hundessa oo kamid ahaa mucaaridka xukuumada Abiy Axmed ayaa la toogtay Isniintii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in dilkiisa uu  ahaa mid qorsheysan.

Raysal-wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dilkan ay ka danbeysay dowlad shisheeye (waxaa la filayaa inuu ka wado dalka Masar) Wallow aanu si cad usheegin oo kasoo horjeeda dhismaha biyo xidheenka Itoobiya, isagoo sheegay in dilkan loo adeegsaday kooxo uusan magacaabin oo ka dhex shaqenaya gudaha Itoobiya, waa siduu hadalka u dhigayee.

“Kuwo soo qorsheeyay dambigan kuma aysan faraxsaneyn isbaddallada haatan ka socda dalka….hadafkoodu kaliya ah ma aheyn inay dilaan walaalkeen Hachalu balse wuxuu hadafkoodu ahaa inay dilaan Itoobiya” ayuu yidhi Abiy Axmed.

Abiy ayaa wajahaya kacdoon shacab xili ay loolan kula jiraan siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Qawmiyada uu u dhashay ee Oromada oo si weyn u dhaliilsan xukuumadiisa, fanaanka la dilay ayaa kamid ahaa mucaaridkiisa raggii sida weyn uga soo qeyb qaatay kacdoonka Oromada waday sanadihii lasoo dhaafay, wuxuuna fanaankaasi kahor intaan la dilin wareysi uu siiyey warbaahinta Oromada uu ku sheegay in loo soo hanjabay.Top of Form

Bottom of Form

 

COMMENTS
LINKS