DAAWO;-Shirkada Dahabshiil Group Oo Beenisay In Wax Heshiis Ahi Dhexmaray Iyaga Iyo Xawaalada World Remit. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Shirkada Dahabshiil Group Oo Beenisay In Wax Heshiis Ahi Dhexmaray Iyaga Iyo Xawaalada World Remit.
July 2, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N):-Masuuliyiinta sar sare ee shirkada Dahabshiil Group oo Warsaxaafadeed  soo saareen  Galabta Kuna Qabteen Xarunta guud ee Dahabshiil group ku leedahay magaalada hargeisa Waxay Beeniyeen Warar Ay hore u bayaamisay Shirkada World remit oo ay ku  sheegtay inuu jiro heshiis wada shaqeyn ah oo dhexmaray shirkada Dahabshiil group iyo Shirkadaasi World remit.

Hadaba Fu,aad Axmed Nuux ayaa gabi ahaanba beeniyay warkaasi sheegayna in aanu jirin wax heshiish ah oo dhexmaray World remit.

Sidoo kale Fu,aad Axmed Nuux ayaa Faahfaahin Dheerada bulshada ka siiyay adeegyada ay macaamiishoodu kusoo diri karaan lacagta.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

https://youtu.be/GCMZT3zs2TU

 

COMMENTS
LINKS