Xidhidhka Ubilaabmay Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Taiwan Si Kala Duwan Ayey Uga Faa’iidi Doonaan JSL Iyo Somaliya Labaduba. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xidhidhka Ubilaabmay Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Taiwan Si Kala Duwan Ayey Uga Faa’iidi Doonaan JSL Iyo Somaliya Labaduba.
July 2, 2020 - Written by Editor:

Taiwan, iskasta oo aan si rasmi ah loo aqoonsanayn, hadana waxay dunida ula macaamishaa si ka wanaagsan badi dawladaha la aqoonsan yahay. Taiwan dadkeedu waa 23 milyan waana wadan dhaqaalihiisu uu xoog leeyahay, kaalinta 22aad ayey kaga jirtaa dhaqaalaha dunida, taas ayaa keentay in ay dunida kaga qiimo sarrayso dawlado fara badan oo Qaramada midoobay xubin rasmiya ka ah.

Sidee Somaliland uga faa’iidaysaa?

Maadaama oo Taiwan dhaqaaleheedu sidaa u xoog wayn yahay, waxay JSL wax kala qaban kartaa dhinacyada waxbarashada, kaluumaysiga iyo ganacsiga, waxa kale oo ay tababaro siin kartaa hay’adaha amniga sida booliska waxaa kale oo lays dhaafsan karaa gacansi. Intaa waxaa dheer dhinaca siyaasada oo Taiwan waxaa ay galaangal xoog leh ku leedahay fagaara yaasha caalamka taas oo labada dhinac iska kaashan karaan. Dhinaca kale, Somaliland oo ku taala goob istaraatiji ah, Taiwan waxay u noqon kartaa marin ay ka soo gasho geeska Afrika iyo Afrikaba.

Sidee ayey Somaliya uga faa’iidaysaa?

Maadaa oo dal-waynaha Shiinuhu aanu ogolayn cid si toos ah ula macaamisha Taiwan oo uu ku doodo in ay tahay qayb ka mid dalka Shiinaha laga soo bilaabo 1949, waxaa hubaal ah in uu dhaqdhaqaaq sidii hore ka badan ka bilaabi doono Somaliya iyo SOMALILAND ba. Shiinuhu wuxuu xidhiidho sidii hore ka badan la samayn doonaa DFS, waxaanuu culays ku saari doonaa Dawlada Somaliya in ay ka hadlaan arinkaa. DFS waxay shiinaha ku odhan doonaan ” Arinkaa anaga nagu hallee” Wasiir Cawed canbaarayntiisii iyo shirarkiisii jaraa’id ayaa bilaabmi doona halkaa dabadeed shiinuhu wuxuu siin soonaa waxoogaa kaalmo ah.

Haday u muuqan waydo dawlada Shiinaha wax midho dhal ah oo DFS ka keentay, waa suura gal in Shiinuhu uu Somaliland ula soo xidhiidho sidii hore si ka wayn.

EX WASIIR CALI MAREEXAAN

COMMENTS
LINKS