“Marka Ummad La Doonayo In Laga Adkaado, Mukhaadaraad Ayaa La Dhexgeliyaa.” Sheekh Dirir | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Marka Ummad La Doonayo In Laga Adkaado, Mukhaadaraad Ayaa La Dhexgeliyaa.” Sheekh Dirir
July 4, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa bulshada uga digay halista mukhaadaraadka, uguna baaqay inay ka feejignaanaadaan isticmaalkiisa, ilaahay SW uga toobad keenaan dadka ku dhacay xumaantiisa.

Khudbadii Jimcaha oo Sheekh Maxamed uga hadlay khatarta maandooriyaha, oo ah wax kastoo caqliga bani’aadamka wax ka bedela, ama aanu ka bedelin, kol haduu caqliga taabanayo, khalkhalna ku ridayo haba yaraatee, ayuu yidhi,

Wax kastoo mukhaadaraad ah, wax la cuno, la cabo ama la isku muddo, waa xaaraan, diinta islaamkuna way xaaraantimmaysay, mowqif adagna iska taagtay, taasoo qofkii isticmaalana loo jideeyey ciqaabta uu leeyahay.

Dhibaatooyinka mukhaadaraadka oo Sheekh Maxamed ka waramay ayaa sheegay inay ka mid yihiin burburinta ummada, taasoo ummada had iyo jeer isticmaasha mukhaadaraadku ku burburto, gaar ahaan dhalinyaradooda. Marka dadku mushkilada doortaana Ilaahay SW wuu dulleeyaa. Sida Ilaahay aayad macnaheeda inoogu sheegay, “Dadku markii ay leexdeen, anniguna waan sii fogeeyey”

Dhibaatooyinka mukhadaraadka wax ka mid ah inuu baabi’iyo dhaqaalaha ummada, oo qofka maandooriyaha isticmaala, caadayste ayuu noqonayaa, oo wuu walfayaa, markuu xaraaradu qabato, ilmahiisa ayuu ku iibsanayaa. Awooda ciidan ee ummad leedahay way baaba’adaa, marka mukhaadaraadku dhexgalo. Sannado badan dalka  Shiinaha iyo reer Yurub waxay ku dagaalamayeen mukhaadaraaka Afyuunka, way soo weeraraan, way iska difaacaan, khasab waxay kaga dhigeen inay u soo iibgeeyaan, ciidamadoodana dhexgeliyaan. Marka ummad la doonayo in laga adkaado, mukhaadaraad ayaa la dhexgeliyaa.

Ummadu waxyaalaha ugu qiimo badan ee ay helaan diinta ka dib, wax aka mid ah caafimaadka, waxyaabaha maandooriyahu khatarta ku hayo wax aka mid ah caafimaadka jidhka, dadku marka ay mukhaadaraaka badiyaan cimrigoodu wuu soo gaabtaa.

Qofka maandooriyaha isticmaalaya halis ayuu ku yahay nabadgelyada ummada, had iyo jeer waxyaalaha keena nabadgelyada darada keena wax aka mid ah marka qofku waayo dhaqaalahii mukhaadaraadka, waalidkii iyo ummadaba wuu boobayaa.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey sababaha keena in mukhaadaraadku faafo ayaa sheegay inay ka qeybqaataan dad shisheeye, ama iyaguba faafiyaan ama dad u soo dhiibaan. Waxa ka mid ah dadkoo ay ku yaraato cabsidii Ilaahay SW, sida aayada inoogu sheegay “ qofku markuu hagaagsan yahay,  ma halaabo, cidna ma liiciso, laakiin markuu halaabo cid hanuunisa ma helo”

Nebigu CSW waxuu xadiis inoogu sheegay “Ilaahay SW ilaali, wuu ku ilaalinayaa.

Sababaha mukhaadaraadku ku faafo wax aka mid ah, inaan laga fekerin tarbiyadooda, dadka da’yarta marka la korinayo in la eego calooshooda keliya, balse la ilaawo caadifadooda, ruuxdooda, oon la barin casharada tarbiyada, Ilaahay SW waxuu aayad inoogu sheegay “Nafahiina iyo ehelkiina ka ilaaliya naarta” sida looga ilaalinayo waa in ehelka iyo ubadka lagu rabeeyo diinta, oo iimaan iyo aqoon wanaagsan oo ka horistaagta yeesho, Nebiguna CSW taas ayuu innagu adkeynayaa.

Sababaha fududeeya isticmaalka mukhaadaraadka wax aka mid ah qofkoo la saaxiiba dad xun, Nebigu CSW wuu inooga digay xadiis macnahiisu ahaa “Qofku waxuu haystaa diinta saaxiibkii” dhaqanka saaxiibki ayuu haystaa, ha iska ilaaliyo qofkuu la saaxiibayo. Nebiga CSW ayaa lagu amray inuu dadka wanaagsan la fadhiisto.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey sida looga badbaado halista mukhaadaraadka ayaa sheegay inay tahay toobad iyo in Ilaahay SW loo noqdo, oo lagu dedaalo in adoomada la dhaqanceliyo, Ilaahayna furdaamin ayuu siinayaa. Ubadka aynu rabayno sidaa hore aynu u soo sheegnay, goobaha wanaagsan aynu ka agdhowaano, goobaha cilmiga, meelaha wanaagsan iyo dadka wanaagsan, ubadkana lagu rabeeyo oo la geeyo.

Waxyaalaha lagu daaweynayo wax aka mid ah dadka wacdiga iyo waanadu anfaci waayaan in ficil loola tago, oo gacan la saaro, dadka kuwii kitaabka raaci waaya, hubka iyo awoodaa lagu hagaajinayaa, Ilaahay SW waxuu yidhi “Isu-kaalmaysta Alle-ka-cabsiga iyo samo-falka, dembiga iyo xumaantana ha isu kaashanina”

COMMENTS
LINKS