Shiinaha Iyo Soomaaliya Oo Isla Hor Fadhiistay Calaacal Khuseeya Qaddiyadda Aan Gacmaha Ugu Jirin Ee Somaliland Iyo Taiwan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shiinaha Iyo Soomaaliya Oo Isla Hor Fadhiistay Calaacal Khuseeya Qaddiyadda Aan Gacmaha Ugu Jirin Ee Somaliland Iyo Taiwan.
July 4, 2020 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Madaxweynaha dowladda Aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya (Non self-governing government of Somalia) iyo Dan-jiraha dalka Shiinaha u fadhiya Muqdisho Ambassador Qin Jian oo kulan ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa isku waajahay hadallo calaacal ah oo khuseeya qaddiyadda heshiiska diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee dhexmaray dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan), heshiiskaasi oo si rasmi ah loo shaaciyey taariikhdu markii ay ahayd 1 July 2020.

Madaxweynaha dalka Taiwan Mrs. Tsai Ing-wen iyo Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda Mr. Jaushieh Joseph Wu oo toddobaadkan siyaabo kala duwan ula hadlay warbaahinta caalamka, ayaa caddeeyey inay si buuxda xidhiidh sokeeye iyo cilaaqaad diblomaasiyeed ula yeesheen dalka Somaliland oo ay ku sifeeyeen inuu yahay waddan madaxbannaan oo laga hirgeliyey hannaan dimuqraadiyadeed iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxayna soo magacaabeen wakiilkooda u fadhiyi doona xafiiska ay ku yeesheen Somaliland.

Sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan waxa xilkaas loo soo magacaabay Ambassador Lou Chen-hwa oo hadda ahaa Qunsulka Xafiiska Dhaqanka iyo Dhaqaalaha (Taipei Economic and Cultural Office (TECO) ee waddanka Taiwan ku leeyahay dalka Sucuudiga, iyadoo ay Somaliland-na ay Wakiilkeeda dalka Taiwan u magacawday Ambassador Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud oo ah aqoonyahan shahaadada PHD-da ku haysta cilmiga siyaasadda iyo falsafadda (Politics and Philosophy), waxaanna waraaqaha aqoonsiga wakiilnimo ka guddoontay Madaxweynaha dalka Taiwan, taasoo muujinaysa heerka uu gaadhsiisan yahay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ka dhex curtay Somaliland iyo Taiwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo isna saxaafadda la hadlay maanta (Sabtida, 4 July 2020), ayaa shaaciyey in cilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Taiwan uu yahay mid ujeedadiisu ku salaysan tahay danaha labadooda dal oo qudha, cid kale oo uu duulaan iyo dhibaato ku yahayna aanay jirin, isagoo sidoo kale caddeeyey in heshiiska keenay inay labada dal isweydaarsadaan Wakiillo diblomaasiyadeed uu yahay mid lagu fadhiisiyey qodobbada ku qoran axdiga Geneva (Geneva Convention), taasoo muujinaysa in Wakiillada ay labada dal isweydaarsadeen ay la meqaam yihiin heerka isweydaarsiga safiirrada iyo diblomaasiyiiinta laba waddan oo is-aqoonsan.

Haddaba, ilaa markii uu soo baxay heshiiska muddada dheer la qarinayey ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan, waxa jiif iyo joogba diiday dalka Shiinaha oo heshiiskaas u arkay mid khatar ku ah qarannimada iyo madaxbannaanida dalkiisa, maadaama oo uu aqoonsan yahay in Taiwan aanay ahayn dal madaxbannaan, balse ay ka mid tahay dal-weynaha Shiinaha, waxaanna walaaca Shiinuhu qabo lagu muujiyey kulan magaalada Muqdisho ku dhexmaray Dan-jiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Ambassador Qin Jian iyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, iyagoo ka wadahadlay heshiiska ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Taiwan oo ay aaminsan yihiin inuu xad-gudub ku yahay madaxbannaanida labadooda dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya maanta (Sabti, 04 July 2020), waxa ay Dan-jiraha Shiinaha iyo Madaxweyne Farmaajo iskula wadaageen sidii labadooda dal mid walba uu u ilaalin lahaa madaxbannaanida dalka kale, iyadoo uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la wadaagay Danjire Qin Jian in Soomaaliya ay ixtiraamayso midnimada dalka ay saaxiibka yihiin ee Shiinaha, halka sidoo kale Dowladda Shiinuhu ay la wadaagtay Madaxweyne Farmaajo sida ay uga soo horjeedaan xad-gudubka Taiwan kula kacday Qaranimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Hasayeeshee, kulanka dhexmaray Dan-jiraha Shiinaha u fadhiya Muqdisho iyo Madaxweynaha aanay Xukuumaddiisu si iskeed ah isku maamulin ee Soomaaliya, ayaa u muuqda mid calaacal ah oo ay labada dhinac isla horfadhiisteen, maadaama ay iskaba yartahay awood gacantooda ku jirta oo ay maanta ama caawa wax kaga qaban karaan xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Taiwan, iyadoo Somaliland iyo Taiwan-ba ay si buuxda uga madaxbannaan yihiin Soomaaliya iyo Shiinaha, waxayna sheekadooda calaacalka ah ku soo ururaysaa oo qudha gacmo madhan iyo itaal-darro aanay waxba kaga beddeli karin xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Sida ka muuqata sawirrada laga qaaday kulanka dhexmaray Dan-jiraha Shiinaha iyo Madaxweynaha Soomaaliya ee tafsiirka jidheed bixinaya (their body language), waxa cad in Madaxweyne Farmaajo uu goobta ka qaaday bayd ka mid ahaa heestii ahayd; “…Jid aan u baxaanan hayn, jahadii baa iga halawday,  haddaan kuu jeedin lahaa oon jabka kuu sheegi lahaa, awood baan jirin xagaygoo, afkiibaa juuqda gabay”, halka uu Dan-jiraha Shiinuhuna laxanka saaray erayo ku jiray gabaygii caanka ahaa ee; “…Arladii ka Samroo Adduun ma hayee, haddii la ilaashay afkaygii, haddaanan ikhtiyaar aqoontay hadlayn, haddaanan eray qudha shirkaas odhanayn, ninkaas (Taiwan iyo Somaliland) aragiisa uurkaan ka necbee, aan ooyee albaabka ii xidha.”

Faalo: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland.

https://focustaiwan.tw/politics/202007030018

 

 

COMMENTS
LINKS