Hagardaamada Qarankeena Horta Yaa Kaa Masuula? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hagardaamada Qarankeena Horta Yaa Kaa Masuula?
July 12, 2020 - Written by Editor:

Wakhti waliba yaab leh, dhacdo kastaaba dhabano hays lehe, dhibaatooyinka waayadan dambe, inagu soo kordhay Waxa ka mida; madaxda oo hagardaamooyinka ay gaystaan lagu difaacayo iyo Waliba iyakoo ku helaya hab qabiil, garab istaag aan gar iyo daw midna ahayn. Kaaga darane qabqablayaasha hor-boodayaa, hadday yihiin Kuwo aragti leh, midaynaya, u sahantagaya, furayana guri-san, halganbaabu noqon lahaa lagu hodmo.

Waxayse difaacayaan oo duunyadooda ku bixiyaan, xikmadii iyo xoogoogiiba galiyeen, ammin walba godob u galaan, saaxiibo badan oo ay lahaayeen isku seegeen; qofba qofkii uu ka aragti gaabnaa, ka Caddaalad xumaa, ka aqoon liitay, hal-abuur iyo horumar uu soo kordhiyo ha joogaane, lagaba yaabo inuu ka gambiyo inta yar ee ay dirqiga ku helaan.

Ummadii inay gablooshay oo aad moodo samihii iyo xumaantii inay iska dhexgaleen, Waxaad ku ogaanaysaa, nacabkii oo ay nasteex u qaateen, ka hantidooda cunaya oo ay ku ilaashanayaan, halkay ka ilaashan lahaayeen. Ka isku diraya ee isku soofeynaya, oo ay u yaqaanaan Libaax libintooda u soo dhicinaaya. Ka toosiya ee Wax u sheega, oo aad moodo inay ka Jecel yihiin beenawaaska humaagyada dhalanteedka ah u sawira.

Ammakaaga iyo yaabka, waxaa soo dhan ka darani waa; sumbonimada ama dhaga-adayga sahayanaya jiritaankooda,haddii aad uga digtana ku duxayn, waliba laga yaabo inay adiga daalac kuu raacaan. Waxaynu odhan karaa Waxa ugu wayn ee ku kalifaya jariska xoornimad iyo indho adkaanta, aafada culusna u horseeday waa; dugsashada qabyaalada.

Haddii aad ka hadasho dhaliil kuu muuqatay oo ay ku kacayaan, diranayaasha ama Shaqaalaha Shacabku dirsaday, waa xukuumada markaa jirtee, Waxay ku odhanayaan; Qabiil ahaan baad ku diidan tahay xukuumadayada. Haddii Adeerkaa Kursiga joogi lahaa, kamaad hadasheen. Haddii Adeerka kursiga fadhiyana Waxa lagu odhanayaa; maxaa xukuumadeena kugu diray, miyaadan ujeedin,waxa Weerar inagu socda, ma adaanu kaa difaacnaa mise shisheeyaha!

Waxa hal-hays noqotay baryahan dambe Maandeeq maalinba reerbaa maala, ee maalintiina sug ! Miyaan tolow Maandeeq maalin qudha la Wada maali doonin ?

Dhinaca kale haddii aad soo hadal qaado habacsanaanta, fadhiidnimada iyo sida ay kaalintoodii Mucaaradku u gabeen, dadbaa moodaya inaad ka hadlayso geel sumad gaari ugu taalo. Sumad gaari Waabay ugu taallaayoo baryahan dambe reer waliba xero uu ka soo dhex botoriyo, oo uu ka saaro qofka aragtidiisa xambaari Waaya ayuu samaystaye, haddii aad tidhaahdo; dhanka kale Khayr badanba kuma ogiye, xeradaada aynu wada balaadhsano, qodaxda iyo digadana aan kaala guro, si aan xoolaha shilintu inooga cunin, Wuxu ku odhanayaa; digadaanban ka helaaye, adigu taada qodaxda ka guro!

Axdartuba Waxay tahay, hadda labadaa kooxood dad badan ayaa taabacsan,waxay Wada leeyihiin Calan, dhul Eebbe ku Wada uumay iyo hal qaran. Haddii aad waraysato mid Waliba wuxuu jecelyahay horumar iyo Caddaalad wada deeqda inay helaan, wadiiqadii loo mari lahaana ma hayaan. Laabtaad ka jeclaatay laayaane, libaaxba ma Joogo laalays.

Meeshii aad taabataaba waa boog kale, dhinac u badqabta garan mayside, haddii aynu eegno……

La soco qaybta dambe…..

W/Q: Maxamed Cismaan Muxumed “Maxamed-Ugaa

COMMENTS
LINKS