Hirdanada Geeska Iyo Halisaha Qarsoon!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hirdanada Geeska Iyo Halisaha Qarsoon!!
July 12, 2020 - Written by Editor:

Ilaa iyo maalmihii dhowaa ee  Somaliland iyo Taiwan xidhiidhkoodu caalamka ku baahay , ayaa waxa aad u diidan ugana soo horjeeda dawlada China oo ka mid ah maanta quwadaha aduunka ugu waaweyn ee xaga awooda iyo dhaqaalahaba , waxaana warbixino barahooga Twitterka ku qorey safiirka chine ee Somalia iyo afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee China oo si cadho leh uga hadlay xidhiidhkaa dhex maray Jamhuuriyada Somaliland iyo Taiwan.

Waxa uu china dhawr maalmood ka hor ku sameeyey bada cas gaar ahaan meel aan badda Somaliland ka fogeyn dhoolatus ciidamada ah oo uu awoodiisa soo bandhigayo taasi oo loo qaadan karo in uu Somaliland hanjabaad uga dhigayey , waxaana aad loogala socday Tvga weyn ee China ee la yidhaa Cctv+ .

Waxa xidhiidhka Jamhuuriyada Somaliland iyo Taiwan soo dhaweeyey dawlada maraykanka oo  bogaadisay , taasi oo iyaduna macno weyn iyo saameyn layaab leh ku sameysay dawladaha China iyo Somalia oo labadaba uu u cuntami laayahay xidhiidhka Jamhuuriyada Somaliland iyo Taiwan oo maalmihii ugu dambeeyey saameyntiisa iyo hadal hayntiisu aduunka saameysay.

Waxa aad aduunka si dhow ula socdaa dhaq-dhaqaaqyada ka socda Geeska Africa iyo Badda Cas oo aad moodo in aduunkii halkan ku soo ururayo , waxa la saadaalinayaa in uu isaguna u soo xadhko xidhay in Ruushku yimaado aagan badda cas iyo Gobolka Geeska Africa , gobolkani oo kulmin doona wadamada aduunka ku tartamaya.

Hadalkii dhaxalgalka ahaa ee raisal wasaraha Ethiopia ka Dr Abiy Ahmed Ali ka jeediyey munaasibadii lagu gudoonsiinayey jaaisada ayaa waxa uu ka biyo diiday saldhigyada ciidamada ee ku soo badanaya Gobolka Geeska Africa iyo Badda Cas waxaana uu yidhi ma rabno in uu gobolkani noqdo goob dagaal ( battle ground ) isaga oo xusay in ay argagixisada iyo quwadaha aduunku Gobolkan isugu yimaadeen iyaga dagaal kuwada jira.

Mar kale oo la wareystay waxa uu carabka ku dhuftay sida ay dawladaha bariga dhexe ay saameynta siyaasadeed iyo mid caqiido ba ugu leeyihiin gobolkani oo ay ka mid tahay waxyaabaha uu la dagi laayahay in ay farogalinta shisheeyuhu ku badan tahay .

Haddaba maanta waxa aad moodaa in halkii la isla soo dhaafay oo inta joogta maaha e in badan oo kale ay soo socdaan , kuwa la saadaalinayo ee danaynaya in ay yimaadaan waxa ka mid ah Israel , Uk , Russia , India iyo Turkey oo isna in uu bada cas soo dago quud daraynaya , ilaa hadda ma cada siyaasad uu gobolku isku og yahay oo lagu waajahayo dawladaha ku soo qulqulaya , waxaana suuragal ah in aamitinkooda iyo soo degistooda lagu kala aragti duwan yahay.

Somaliland oo ah meesha ugu muhiimsan Gobolka Geeska Africa ee aduunku wada danaynayaa iyada lafteedu wali siyaasad cad oo qeexan badka may keenin , hore waxa Somaliland looga qadiyey ciidamo wadamada khaleejka iyo inta bada cas degani loo sameynayey in ay marinkan ilaaliyaan maadaama oo uu aduunku oo dhan u muhiim yahay .

Waxaa loo fasiran karaa sababta ciidamadaa loogu sameeyey Badda Cas in laga saaro dawladaha faraha badan ee saldhigyada dhulka iyo badda ba ka sameystay Gobolka Geeska Africa iyo Badda Cas , maadaama ay sheegaan in uu dalwaliba masaaliixdiisa iyo maraakiibta u maraysa marin biyoodka badacas ilaashanayo una soo degay halkani.

QALINKII;-Mohamed Abdi Jama

COMMENTS
LINKS