Gobolka Gabiley:-Hooyadii Nabadda Iyo Dhismaha Dawladnnimo Ee Jamhuuriyadda Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gobolka Gabiley:-Hooyadii Nabadda Iyo Dhismaha Dawladnnimo Ee Jamhuuriyadda Somaliland!
July 13, 2020 - Written by Editor:

Tan Iyo markii lagu dhawaaqay la soo noqoshada Jamhuuriyadda Somaliland 1991, guud ahaan bulshada ku dhaqan deegaanada Gobolka Gabiley,waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in ay yihiin deegaanka kaliya ee aanay ka dhicin dagaalo sokeeye,halka dhammaan magaalooyinka iyo dagaanada beesha dhexe ee Isaaqu dagto ay dagaalo sokeeye ka dhaceen,iyadoo Alle inaguma keenee ay taariikhdu ka marag kacayso in ay dagaalo Sokeeye ka dhaceen Magaalooyinka Hargaysa,Barbera,Burco iyo Ceerigaabo.Mar kale,Alle bogooda burcad ha isku mariyee oo nabadda ha waafajiyee,waxaa sannadahan u dambeeyay dagaalo sokeeye ka dhex dhaceen bulshooyinka ku dhaqan Gobollada Sool,Sanaag iyo Saaxil .

Sidaas darted,waxay bulshada Gobolka Gabiley ku mutaysatay in ay noqoto Hooyadii nabadda Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalooyinka ama deegaanada dhigeeda ah ee beesha isaaqu dagto.

Sidoo kale,Bulshada ku dhaqan deegaanada Gobolka Gabiley waxay hormood ka ahayd dhismihii haykalka dawlannimo ee Somaliland,iyadoo taariikhdu ka marag kacaysa in Gabiley tahay magaaladii ugu horaysay ee laga unkay dhismaha dawladnnimo,taasoo marag cad ay u tahay in Alle ha u naxariistee Madaxwayne Maxamad X Ibraahin Cigaal in uu ugu yimid Bangiga Gabiley Lacag taala mar uu kormeer ka samaynayay xarrumaha dawladdu ka lahayd Magaalada Gabiley,lacagta uu ugu yimid Bangiga Gabiley ayaa noqotay hantida kaliya ee uu ka dhaxlay dawladii ka horaysay Alle ha u naxariistee Madaxwayne Cabdiraxmaan Axmad Cali hoggaaminayay.Mar kale,waxay taariikhdu ka marag kacaysaa kaalintii Maalqabeenkii waddaniga ahaa ee Ibraahin Cabdi Kaahin ( Ibraahin Dheere ) uu ku lahaa dhismaha qaranka ee uu hantidiisa ugu huray dammaanadna u dhigay Bangiyada aduunka si maraakiibta waawayn ee Caymiska Aduunka ku jirtaa badeecadaha iyo Shidaalka u keenaan Dakadda wayn ee magaalada Barbera, Iyo in lasoo daabaco lacagta Somaliland.

Sidaas darteed,waxay bulshada Gobolka Gabiley ku mutaysatay in ay noqoto Hooyadii dib u dhiska Jamhuuriyadda Somaliland,dhamaan magaalooyinka ama deegaanada dhigeeda ah ee beesha isaaqu dagto.

Ugu dambayn,waxaan qormada ku soo gunaanadayaa,ninkii hadlayaaba ha iska hadlee Bulshada Gobolka Gabiley ay hide soo jireena la wadaagta Gobonnimada lagu yaqaano bulshada ku dhaqan Gobolada Galbeedka Somaliland.

Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Gabiley Somaliland

COMMENTS
LINKS