Sadexda Xisbi Qaran , Komishanka Doorashooyinka Iyo Xukuumadu Laba Mid Ha Soo Galaan!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sadexda Xisbi Qaran , Komishanka Doorashooyinka Iyo Xukuumadu Laba Mid Ha Soo Galaan!!
July 14, 2020 - Written by Editor:

1;In doorashooyinka maadaama oo ay ku heshiiyeen in ay isa saar yihiin oo ay marwada dhacayaan deegaanka iyo wakiiladu , in ay mudada kooban ee axsaabta u hadhsan ka tanaasulaan xisbiyadu oo ururadii siyaasada la furo sanadka 2020 , komishanka iyo xukuumaduna ka shaqeeyaan sidii la isku waafajin lahaa arinkaasi .

2;in doorashooyinka loo meel dayo oo lagu sii tallo galo xiliga ururada sharcigu u qorsheeyey in gudiga diwaan galinta ururada iyo axsaabtu ku dhawaaqdo oo ku beegan badhtamaha sanadka 2021 , sida uu dhigayo Xeer No14 oo hadda la isa sii waafajiyo doorashooyinka iyo qorshaha furista ururada siyaasada.

Waxa wanaagsan in nidaamka dalka la ilaaliyo oo aan laga horeysiin danaha axsaabta iyo shakhsiyaadka , iyada oo waliba dadka Somaliland ka dharagsan yihiin muranadii macno darada ahaa ee ay wakhtiga kaga rideen axsaabta siyaasada Somaliland muwaadiniinta doorasho doonka ahaa.

Sida aynu wada ogsoonahay sadexda xisbi qaran waxa ay dalka Jamhuuriyada Somaliland xisbiyo u yihiin mudada sharcigu tilmaamay ee tobanka ( 10 ) sano ah , sida shahaadooyinka ay haystaan iyo xeerarka dalka ku cad , hadii maanta doorashooyinka lagu gallo noocan ay wadaana dalka waxa ku soo socda halis iyo murug ka hada jira ka sii xoog badan

2022 waxa la isweydiin doonaa dalka yaa u axsaab siyaasadeed ah , yaa loo qabanayaa doorashada madaxtooyada, xagee laga doonayaa xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta Somaliland dastuurka iyo xeerarka dalku siiyeen ee ahayd in tobankii sanoba mar la furo ururada siyaasada.

Hay’adaha ilaalinta shuruucda ee ay ka mid yihiin goleyaasha xeerdejinta , xukuumada oo ah ilaaliyaha koowaad iyo fuliyayaasha shuruucda , maxkamada sare , hay’ada xeer ilaalinta qaranka , gudiga diwaangalinta ururada iyo axsaabta , komishanka doorashooyinka qaranka waxa aanu u soo jeedinaynaa in waxa aanu ka hadlayno loo dhug yeesho oo maanta laga sii fekero.

QALINKII;Hogaamiye Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS