WAJAALE NEWS

Hagardaamada Qarankeena Horta Yaa Ka Masuul?W/Q;Maxamed Ugaaska Q2Aad.

Meeshii aad taabataaba waa boog kale, dhinac u badqabta garan maysid. Haddii ay noqoto ganacsato aan u naxayn oo shilinkiiba boqol shilin dulsaarta, aad ula socota sixir bararka iyo ascaarta dunida marka ay kacdo, hoos marka ay u dhacaanna ka dhago la’ oo aan war kaa helin.

Shayba shayga uu ka tayo liitana ummadooda u keena, cid ka eegta iyo xeer qabta midna aan loo hayn, haddii aad ka hadashana dhib iyo hadimo badani kaa soo gaadhayso, waxaaba laga yaabaa ka aad ka difaacaysaa inuu ku yidhaahdo; ganacsadahayaga reernimaad ku eryanaysaa ! Hadda isagoo gaajoonaya, hadduu is yidhaa soo shaxaad, oo caruurta daasad caano ah ha kuugu qaado, in albaabkaba laga soo celiyo. Kolna waxaaba laga yaabaa, inaad ciqaab adag u marto, oo xukuumado uu heshiis la yahay kuu xidhaan.

Dadka oo dhan Wada gadaafayn maayo, Waxaanse Sheegayaa Inta badan iyo sida xaalkeenu u eekaadaye, aqoonyahankii Samaha iyo xumaha kala sooci jiray, waxaad moodaa iyakuna wax sheegii inay ku doorsadeen nolol maalmeedkii adduunyada ee koobnaa. Inta is tidhaahda wax sheegana darbi Wayn oo qabyaaladeed ayaa hortaagan.

Culimadii diinta baratay ee aqoonta u lahayd, Ummadana wax u sheegi jiray , Waxaad moodaa inay iyaku isku maqan yihiin. Qudhadkooda daadkii qabyaalada ayaa u galay, oo ka qooyey khamiisyadii Cadcadaa ee ay siteen.

Dhalinyaradii aan is aqoon marka ay waxbarashada ku jiraan iyo marka ay kooxaha wada ciyaaraya yihiinba, lagana yaabo laba Ilmaadeeri inuu midaba kooxda kale abaanduule u yahay, oo aanay isba bixin jirin, hadda Waxa sumad iyo sawrac u ah oo ay isku bixiyaan haybta ay yihiin.

Bal meel dheerba adoon tagin barta aad ka isticmaasho baraha bulshada, immisa da’ yar ah baa kuugu jira, oo fasalka lixaad ama todobaad ku jira oo qabiilka iyo qabyaaladaba kaa badiya, marka aad eegto siduu wax u qorayo.

Dumarka Soomaalidu Waxay odhan jireen waa dhaxdin amaba Waxay u yaqaaneen Safaarad, meesha ay Joogaan lagu soo hirto, laysku nabadgaliyo, godob reeb lagu kala qaato, oo nafo badan iyo utun jiitami lahayd lagu bogsiiyo. qabyaalada iyo qudhunkeeda Xaawalay laguma xaman jirin, inkastoy ka ladan yihiin haddana Waxaad muuqaal ahaan iyo Qoraal ahaanba arkaysaa hablo yaryar oo Qabyaalad ka sheekaynaya ama kala dhigdhigayaba.

Hadda intaasi waaba dalka gudihiisee, dibadiisa iyo qurba joogtuna ma dhaanto, bal Waabay ka dhaliil badan yihiin. Inyar mooyee intooda badani Wax ay ka korodhsadeen Ummadaha ay ku dhex noolyihiin ma jirto. Haddii ay noqoto aqoon ahaan, Xadaarad ahaan, habka ay dawladahooda u maamulaan, dadka ay la dhaqan yihiin sida ay musuqmaasuqa ula dagaalameen, madaxda qaabka loo doorto iyo sida loola xisaabtamo, qofka xumi siduu qof xun u yahay, ee aanu Bulshada ugu milmin, sarraynta Sharciga iyo siduu qof walba u qabto madax iyo minjaba.

Isku soo Wada duuboo intaayada badani ma hayno, Waxaan ka ahayn shaqooyinka xamaaliga u badan ama caydha aanu qaadano, oo aanu idiinka soo dirno biilal, qaadhaanada aan khayrka lahayn ee u badan dagaalada iyo dirirta sokeeyaha, sidoo kale ololaha doorashooyinka oo aanu idiin soo dirno, qaadhaano reernimo ku dhisan oo aad ku kala qaybsantaan.

Uma badnee marar Qaar waxa dhacda, in aanu qaadhaano ku darsano iskuulo la furayo, goobo caafimaad, arday deeqbarasho laga bixinayo iyo waddo la dhisayo. Kuwaasoo dhamaantood qoysas hoose ah. Waxaanse ka Jeclaan lahaa, waan ogahayoo dad badani riyey u arkaane, in qaadhaankaa habaqlaha u baxaya la mideeyo, oo maalinba meesha baahida wayni taallo lagu gufeeyo.

Guntii iyo gabagabadii markaad gees Walba ka istaagto, galdaloolooyinkaa faraha badan, caynada aynu nahay iyo hagardaamada qarankeena, horta yaa ka masuula?

W/Q: Maxamed Cismaan Muxumed “Maxamed-Ugaas”

Exit mobile version