Muhiimadu Maaha In Doorashooyin Uun La Qabto, Ee Waa In Laga fekeraa Sidii Ay U Dhici Lahayd Doorashooyin Somaliland Wanaagsani! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muhiimadu Maaha In Doorashooyin Uun La Qabto, Ee Waa In Laga fekeraa Sidii Ay U Dhici Lahayd Doorashooyin Somaliland Wanaagsani!
July 15, 2020 - Written by Editor:

Ururka Dadweynaha Somaliland waxa uu ku baaqayaa in la is qanciyo oo dadka Somaliland tabashooyinka Gobolada dalka ee ay ka tirsanayaan saami qaybsiga loo dhaga nuglaado Somaliland na aanay noqon ma isku joojin maayo , iyo wax masiirka dalka in kooban guri dhexdii kaga heshiiso , iyaga oo eeganaya dano gaaban iyo masaaliix iyaga u khaas ah.

Ururka Dadweynaha Somaliland waxa uu kor ugu dhawaaqayaa in aanay daneeyayaasha doorashadu aheyn xiligan lagu jiro sadexda xisbi qaran oo kaliya , sababta oo ah waxa ay ku jiraan labadii sanadood ee ugu dambeeyey xisbinamadooda , marka ay ku heshiiyeen in aan doorashooyinka deegaanka iyo wakiilada mar lawada qabtona waxa meesha ka baxaya tartankii furista ururada siyaasada oo ay ka hadheen mudo bilo ah oo kooban.

Furista ururada siyaasada iyo in muwaadiniinta Somaliland isku habeeyaan tobankii sanadood mar ururo siyaasadeed, waa xaq dastuurka iyo xeerarka ka farcamaa siiyeen dadka Somaliland  , kamana heshiin karaan sadex xisbi iyo goleyaal in xuquuq siyaasadeed oo ay dadka Somaliland leeyihiin meesha laga saaro.

Somaliland waxa ay ku soo jirtay 19 sanadood nidaamka doorashooyinka hal cod iyo hal qof kaasi oo noqday jiitan iyo mid hagaag looga shaqeysiin waayey , taasi oo dhalisay in shacabka Somaliland ka niyad jabaan gabi ahaanba doorashooyinka markii ay waayeen in loo ilaaliyo xili doorashadeedyadii ay xaqa u lahaayeen in la doorto iyo in ay wax doortaanba.

Arimahani waxa ay marba marka ka dambaysa god madow ku sii ridayaan nidaamkii doorashooyinka iyo habkii dimuqaradiga ahaa ee dalkani qaatey , oo ahaa hab iyo qaab wanaagsan oo ismiisaamaya oo u baahnaa in laga shaqeysiiyo.

Waxa ku eedaysan cidwalba oo masuuliyadahaa wax ku lahayd , isla markaana aan ka gudanin waajibaadkeedii , markasta oo doorashooyinka dalku dib u sii dhacaan iyaga oo aan jirin duruufihii shuruucda dalku sheegtay waxa ay wax ka xumaanayeen dalka Jamhuuriyada Somaliland, waxa niyad jabayey kumayaal muwaadiniin ah oo xaq u leh in ay wax doortaan lana doorto oo fursadahii la siin waayey.

Maanta oo umada Somaliland loo sheegay in doorashooyin dhacayaan , ayaa iyaduna ah wax aan bisleyn oo hadii sidan lagu hirgaliyona dhalaysa in ay meesha ka saarto wanaag iyo xuquuqo ay dadka Somaliland leeyihiin, hadii la hirgalin waayo oo ay iska sii socotana foolxumo iyo fashil ku noqonaysa qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Xalku waxa uu yahay in maanta aad looga sii fekero doorashooyinka oo la qabto doorashooyin dadka Somaliland kuwada qanceen isla markaana aan saameynayn xuquuqaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin dadka Jamhuuriyada Somaliland sida ta furista ururada siyaasada oo ah kuwa ugu muhiimsan.

Mohamed Dhimbiil

Xisbiga Dadweynaha Somaliland

Contact: +252634429221

COMMENTS
LINKS