Shan Astaamood Oo Lagu Garto Murashaxa Wanaagsan Ee Aad U Dooranayso Xildhibaanada Golaha Wakiillada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shan Astaamood Oo Lagu Garto Murashaxa Wanaagsan Ee Aad U Dooranayso Xildhibaanada Golaha Wakiillada!
July 16, 2020 - Written by Editor:

Shan Astaamood Oo Lagu Garto Murashaxa Wanaagsan Ee Aad U Dooranayso Xildhibaanada Golaha Wakiillada Ha Halmaamin Muwaadin!

1;Waa In Aad haybta wadaagtaan,sabobtoo ah wali cudurkan dawo looma helin oo qabiilka ayaa qarannimada laga jecel yahay  .

2;Murashaxa Aad Dooranaysaa Ma leeyahay matelaad uu ku matali karo guud ahaan haybta dooratay .

3;Murashaxa aad dooranaysaa ma leeyahay curin iyo karti uu golaha wakiillada xubinnimadiisa ku hoggaamin karo,isla-markaana golaha wakiillada ku gayn karo mooshino dan u ah guud ahaan deegaanka haybta dooratay iyo mooshinno danta qaranku ku jirto.

4;Murashaxa aad dooranaysaa ma yahay qof cod kar ah oo gudbin kara mooshinadii danta u ahaa guud ahaan deegaanka haybta dooratay iyo mooshinnada danta qaranku ku jirto.

5;Murashaxa aad dooranaysaa ma yahay qof ka Madax-bannaan,Siyaasi,Madax-dhaqmeed,Xisbi,iyo Masuul xil haya toona,isla-markaana hankan siyaasadeed u daba fadhiyin Siyaasi,Madax-dhaqmeed,Suldaan,Xisbi,iyo Masuul xil haya  .

Inkastoo wali anigu aanan arag Murashax shanta shuruudood buuxiyay oo haybta Cali Jibriir Abokor ka soo jeeda oo aan u doorto xildhibaanada Golaha Wakiillada .

COMMENTS
LINKS