Dhaqaalaha Taywan Iyo Waxay Somaliland Ka Faa’iidayso Xidhiidhka Taywan? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhaqaalaha Taywan Iyo Waxay Somaliland Ka Faa’iidayso Xidhiidhka Taywan?
July 17, 2020 - Written by Editor:

Taywan waa dal yar oo sida Somaliland Ictiraaf calamiya haysan, lakiin dalal badan xidhiidh dhaqaale iyo siyaasadeeba la leh. Baasaboorka Taywan dalal badan ayaa aqoonsan, oo lagu tagaa. Teeda kale, waa dalka sagaal iyo tobnaad (19) ee calamka ugu dhaqaala wayn ama GDP-PPP waa US$1.34 Trillion.

Taywan waxay ka mid tahay afarta dal ee dhaqaalahoodu si xawliyaga u socday intii u dhaxaysay 1960-yaddii ilaa 1990-yaddii. Dalalkasi oo loogu yeedho Shabeelada Asiya (Asian Tigers), ama mucjisada Asiya (Asian miracle). Dalalkasi oo kala ah Taywan, Kuriya, Hong-Kong iyo Singapore.  Haddaba, Taywan waxay ku takhasustay oy horu mar wayn ka sameeyay aqoonta teknoolijiyada casriga ah ee electronic-ga.

Sharkadaha Taywan ee electronic-gu waa kuwa ugu fiican calamka. Tusaale ahaan, sharkada TSCM (Taiwan Semiconductor Manufacturing) oo ah sharkada samaysa alada loo yaqaano ‘Semiconductor chips’, oo ah alada telefoonada (smart phones) iyo qalabka electronic-gu ku shaqeeyan. Haddaba, telefoonada (smart phones), kombuterada iyo qalabka electronic-ga badankooda waxaa ku jirta alado ay sharkadani samayso.

Sida oo kale, sharkada Foxconn waa sharkada ugu wayn calamka ee samaysa, warshadaysana telefoonada (smart phones), kombuterada iyo qalabka electronic-ga. Sharkada Foxconn waxay warshado iyo xafiisyo ku leedahay dalal badan oo calamka ah. Tusaale ahaan, dalka Shiinaha waa sharkada shaqaalaysiisa dadka ugu badan , waxaa u shaqeeya Hal Million iyo 300,000 oo qof oo Jayniis ah. Shakadani waxay dalka Shiinaha ku samaysa Telefoonada sida IPhone, Xiaomi, BlackBerry. Notebooks iyo Tablets sida Kindle iyo kuwo kale oo badan. Sidoo kale, waxay samaysaa kombuterada sida CPU iyo Motherboards.  Haddaba, sanadkii 2012, dakhliga soo galay sharkadani wuxuu ahaa inta u dhaxaysa $130 – $140 Billions.

Mida kale, tobanka sharkadood ee calamka ugu wayn ee warshadeeya electronics, lix ayaa Taywan laga leeyahay oo kala ah: FoxConn, Pegatron, Winstron, New Kinpo Group, ASE (USI) iyo Plexus.

Teeda kale, labada sharkadaha Evergreen iyo Yang Ming Marine oo laga leeyahay dalka Taywan waxay ka mid yihiin kuwa calamka ugu waawayn ee leh maraakiibtoodu badaha calamka iskaga gooshan ee qaada kumaakun kontayner. Sida oo kale, sharkadaha ugu waawayn ee sameeya marakiibta waawayn ee kontaynarada qada waxa ka mida labada sharkadood ee CSBC iyo Jong Shyn, oo laga leeyahay dalka Taywan. Sharkada Lungteh ee Taywana waxay samaysa doonyaha dagalka ama bada lagu ilaaliyo.

Meelaha kale, eey dalka Taywan meel fog ka gaadhay waxaa ka mida Caafimadka, Beeraha, Kaluumaysiga iyo waxbarashada. Dalal badan ooy ka mid yihiin kuwa calamka ugu dhaqaalaha wayn ayay Taywan kaga horaysa habka loo maamulo caafimadka. Qofkasta oo reer Taywani ahi wuxuu leeyahay kardh cafimad oo uu ku heli karo cafimad aad u sareeya iyo dawooyin bilaasha. Xaga Beeraha jasiirad yar ee Taywan waxay cunto badankeeda way beerataan, dibadana way u diran. Taywan waxay dalka Maraykan u dhoofisa manafaca Beeraha iyo Kaluunka oo lagu qiyaaso US $5.4 Billion. Teeda kale, Taywan kaluumaysiga horumar wayn ayay ka samaysay, khasan sida loo sameeyo beeraha kaluunka lagu dhaqo.

Dawladaha badankooda ma laha lacag kayda, waayo iyaga ayaa amaaho lagu leeyahay. Wadamo kooban ayay u samaxday in ay awoodan in ay lacag kayda haystaan. Haddaba, si lacagtoodu u-korado, waxay maal-galiyan mashruucyo ay u arkan inay macaash ka samaynayaan. Dawlada Taywan waa wadanka lixaad ee haysta lacagta kaydka, ee loo yaqan Sovereign Wealth Fund (SWF). Shanta dal ee ka horeeya waa dalalka betrool iibiya, dalka Shiinaha mooye. Waxaanay kala yihiin: Norway (Government Pension Fund) oo haysa $1 Trillion, Abu Dhabi (Abu Dhabi Investment Authority) oo haysa $828 Billion; China Investment Corporation oo haysa $813.5 Billion; Kuwait (Kuwait Investment Authority) oo haysa $524 Billion, iyo Saudi Arabia (SAMA Foreign Holdings) oo haysa $514 Billion.

Haddaba, inkasta Somaliland tahay dal Ictiraaf calamiya haysta, dhaqaalihiisuna iska kooban yahay. Hadana waa dal iskii u madax banaan, oo sida dalka Taywan ku dhaqma dimuqradiyada, dadkiisuna xor yihiin. Isla markana waa dal ku yaala marin biyood muhuum u ah isku socodka dhaqaalaha calamka. Mida kale, Somaliland waxay ku taala mandaqada Geeska Afrika oo uu ku yalo saldhiga ciidan ee dalka Shiinihu leeyahay, een dalkiisa ahayn. Dagaalka qabow ee mar kale dib u soo curtay wuxuu kor u qaadayaa muhiimada mandaqadani.

Teeda kale, Somaliland iyo dalka Shiinuhu marnaba xulafo ma noqon karan, waayo dalka Shiinuhu waxay la safteen dalka Somalia oo ka soo horjeeda madax banaani Somaliland. Mida kalana, waxay dagan yihiin Jabouti. Sida daradeed, danteenu waxay ku jirtaa in aynu tageerno Taywan oo saxiibo dhaw la ah dalka Maraykanka iyo dalalka Reer galbeedka.

Mida kale, Somaliland waa albaabka ama gateway-ga Afrika laga soo galayo. Marka, Taywan iyo dalalka reer galbeedka waxa aynu u noqon karnaa albaabka xidhiidhiya iyaga iyo qarada Afrika. Haddaba, dadka Somaliland waa in ay fahman qiimaha ay ku fadhido bogcada aynu ku naalno, lakiin waa in ayna isku arag dal Ictiraaf haysan oo faqiira, oo baryo iyo wax i-sii ula tagin Taywan. Lakiin waa in aynu qorshe iyo iskashi labada dhinacba faa’iido ugu jirto ula tagno.

Mida kale, dalka Shiinuhu waa dal dhaqaale saxiib ku radinaya, wuxuu laaluusha dalalka Afrika iyo dalalka saddexaad. Tusaale ahaan dalka Shiinuhu wuxuu $22 Million ugu dhisay guri madaxtoyada Burundi. Sida oo kale, dalka Zimbabwe wuxuu $100 Million ugu dhisay guriga Parliament-koodu isticmaalo oo lix dabaq ah. Haddaba, haddii lacagtaasi inta guryo uu ugu dhisayo uu maal-galin lahaa wax wayn ayay u tari lahayd dhaqaalaha dalalkaasi, lakiin wuxuu ugu dhisayaa guryahaasi si ay wax qabadkiisa ugu xusuustan mar kasta. Teeda kale, wuxuu dalka Shiinuhu dalalkasi ku laalusha mashruucyo, kuwasi oon darasad fiican lagu samayn. Isla markan sharkadaha dhisaa waa Jayniis, Enjineer ilaa kuuligu waa Jayniis, tayada mashruucyadana waa kuwa aad uga hooseeya kuwa ay dalalkooda ka dhisan. Waxayna mashruucyada kaga badashan hantida dalalkani ooy qiimo jaban kugaga qaatan.

Teeda kale, dawlada Taywan waa dal dumuqradiya oo dadkiisu la xisaabtamaya dawladooda, sida daradeed, dhaqaalo dalkooda siday doona uma bixin karan.  Lakiin, dawlda Taywan iyo sharkadahooda gaarka loo leeyaha waxay haystan hanti badan ooy maal gashan karan dalkii qorshe maal-galin oo labada dhinacba faa’iido ugu jirto ula yimada.

Marka iminka laba garab ayaa aduunku u kala jabaya, dalal dimuqradi ah, oo dadkiisu haystan xoriyatul qawl iyo dalal kaligii Taliye xukumo sida Shiinaha. Marka labada garab ayaa loo kala jabayaa.

Haddaba, xidhiidhka Somaliland iyo Taywan wuxuu noqon doona mid tijaabo ah, haddii xidhiidhkani si fiican u hana qaado, marka dalal badan oo Afrika iyo dalalka saddexaada ah ayaa ka jabi doona garabka Shiinah. Haddii kale garabka Shiinaha ayaa guulaysan doona.

Gaba gabadii, dad badan ayaa u haysta, haddii aynu xidhiidh la samayno Taywan in dalka Shiinuhu Ictiraafka inaga hor-istagi doono. Anigu taa ma qabo. Dadkeenu inta badan waxay isku qaldan Ictiraaf iyo xubin ka noqoshada Qaramada Midoobay. Dal ayaa dal ictiraafa, ee Qaramada Midoobay aqoosi ma bixiyan. Teeda kale, Kosovo iyo Balastan ayaa loo diiday inay xubin ka noqdan Qaramada Midoobay. Kosovo waxaa diiday Ruushka, Balastiina Maraykanku. Kosovo waa gobal laga gooyay dalka Serbia. Dadka Serbiya iyo dadka Ruushku waa isku dad, iyo isku diin ama waxay ka soo jeedan qomiyada Slavis, diin tooduna waa (Eastern Orthodox). Xaalada Balastana waynu ka war haynaa. Haddaba, Somaliland ma ah Kosovo iyo Balastin. Somaliland waa dal hore loo aqoonsaday, lakiin la midoobay Somalia mudo sodan sano kala maqnaayeen.

Haddaba, haddii dalal Afrika Ictiraafan Somaliland, isla markana Qaramada Midoobay geeyan, waxaan hubaa in ayna Shiinaha iyo Ruushku toona ka hor imanaynin. Waayo dalka Shiinaha wuxuu doonaya inuu dalalka qarada Afrika xidhiidhkiisu fiicnado. Teeda kalana, dalalka Afrika iyo Shiinuhu ma ah kuwa awood kala jiidanaya, sida Shiinaha iyo Maraykanka ama Ruushka iyo Maraykanka.

LA SOCO QORALKA KAN KU XIGA: ISKASHIGA DHAQAAALE EE TAYWAN IYO SOMALILAD.

SOMALILAND HA NOOLATO !!!!

OMAR A. YOUSUF

Omaryousuf455@gmail.com

WWW.DANQARAN.COM

COMMENTS
LINKS