Nin Kaliya Ayaa Ka Badbaaday Xasuuqii Jazira Ee Toogashada Ahaa, Laakiin Dad Badan Ayaa Sigtay Markii La Ururinayay Dadkan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin Kaliya Ayaa Ka Badbaaday Xasuuqii Jazira Ee Toogashada Ahaa, Laakiin Dad Badan Ayaa Sigtay Markii La Ururinayay Dadkan.
July 20, 2020 - Written by Editor:

Ninkaa kaligii badbaaday waxa la yidhaa the Sole survivor ama survivor ka derajada kowaad; laakiin survivorska derajada labaad way badan yihiin; ninka la qabtay ee guriga lagala baxay ee reer kale sheegtay ee la sii daayay miyaanu ahayn survivor. Dad badan ayaa jiray oo sidaa ku badbaaday, maxaa yeelay waxay aad u hubinayeen in aanu ku qaldamin qof aan Isaaq ahayn; waa sababta aanu uga mid ahayn qof kali ah oo reer kale ahi inta aan ogahay! waxay ku shaqaynayeen qaacidada ah intuu noqon lahaa qof reeraha kale ah oo dhintay ha noqdo Isaaq badbaaday!

Annaga waxa dhacday in ay ka noqdeen ama ku joojiyeen dad ururintii habeenkaas guryaha uu noo dhexeeyo hal laami. macnaha waxa lagala baxay guri aanu jaar ahayn oo laamigu noo dhexeeyo oo toos nooga soo horjeeda afar nin oo uu ka mid ahaa Alle ha u naxriistee Baashe Cabdillahi Heeban oo aanu isku class ahayn, isku kursi iyo miisna fadhiisan jirnay waligayo!! Waxan xasuustaa habeenkii habeenkaa xigay annaga oo ka baqanayna in ay caawana soo noqdaan in aanu seexanay guriga aanu ku jirnay dushiisa oo sabbad ahaa; habeenkii oo dhan halkaas baanu jiifnay annaga oo filayna in ay nagu soo nqon doonaan!

Dhacdadan dadkii ay ku dhacday ama agtooda ay ka dhacday waxay u leedahay dareen gaar ah oo aanan halkan ku cabbiri karin!!!!!!!!; fadlan haddii ay sheeko ku tahay dadkii aan Muqdisho joogin xilligaas, gaar ahaan xaafaddii Buulaxuubay, fadlan ha la ixtiraamo dareenka dadkaa goobjooga ahaa ee sigtay sababtuna tahay iyadoo ajali u laabnayd; isaga ninkan ka badbaaday waa mucjso oo waa sheeko gooni ah; laakiin sheekadu intaas uun ma aha; waxa garan kara qofka Novel is yidhaa ka qor; by the way, is there one already written?; it is must do job, in my opinion!!

Qalinkii Prof Cabdi Cali; one of Jazira survivors!

COMMENTS
LINKS