Somaliland; Doorasho Kale Oo Jujuub Ah Waxa Dhaanta, Mid La Isaga Raali Yahay, Reer Awdalna Gar Bay Ku Taagan Yihiin! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland; Doorasho Kale Oo Jujuub Ah Waxa Dhaanta, Mid La Isaga Raali Yahay, Reer Awdalna Gar Bay Ku Taagan Yihiin!
July 21, 2020 - Written by Editor:

Somaliland nidaamkeega dimuqaradiga ah iyo doorashooyinka in la fashiliyo ayaa loogu talogalay , oo uu istaago iyada oo la eeganayo dano kooban , mudo kordhin iyo maslaxado siyaasadeed oo marba cid gaar ahi wadato.

Sanadkii 2005 markii la galayey doorashadii Golaha wakiilada waxa lagu gallay xal doorasho oo hal mar lagaga gudbayey , kaasi oo ahaa sida uu xeerku sheegayo in halkaasi mar oo kaliya lagu gali doono , waxii ka dambeeyaana dalka laga sameyn doono tirakoob dadwayne oo guud si wax loogu qaybsado.

Hawshii 15 sanadood halkii lagama qaadin oo waa kaa hadalkeegii maanta taagan yahay, taasina maaha wax qabanaysa shacabka Somaliland guud ahaan oo u baahan cadaalad iyo sinaan gobol waliba uu helo waxa uu xaqa u leeyahay, masuuliyadeedana waxa leh xukuumadihii tan hadda ka horeeyey iyo goleyaasha xeer dejinta qaranka.

Ma jiro gobolada Somaliland gobol ku qanacsan tirada kuraasida ee looga qoondeeyey golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland iyo qaabka loo qaybiyey 82 kursi ee golaha wakiilada oo ka soo jeeda 33 kursi ee golihii wakiilada 1960kii oo 2.5 lagu dhuftay Gobol/Degmo waliba waxii ay lahayd xiligaasi oo lafteeda aan loo bisleyn doorashooyin dadku aanay fahansanayn .

Golada Somaliland waxa ay u kala heleen tirada kuraasida gobol waliba soo buuxin doono sidan;

Gobolka Maroodijeex     20 kursi

Gobolka Awdal                13 Kursi

Gobolka Saaxil                10 kursi

Gobolka Togdheer          15 kursi

Gobolka Sool                   12 kursi

Gobolka Sanaag              12 Kursi

Diwaangalinta guud waxa ay u dan tahay dalka Jamhuuriyada Somaliland oo dhan , sababtu waxa ay tahay marka la helo tirada tirada tirakoobka dadka dalka ku nool ayaa waxa lagu jaangoyn doonaa in xildhibaanku codka uu ku soo baxayo la jaangooyo , dhacdooyinka layaabka leh waxa ka mid ah xildhibaan baa 6000 oo cod Hargeisa ku waayey kursi , halka gobolada qaar ay xildhibaano kaga soo baxeen 2000 oo cod ! , taasina waxa keenay nidaamkan xalka ahaa .

Gobolada Awdal iyo Selel xaq bay u leeyihiin in ay yidhaahdaan doorashadii hore xal baa lagu galay ee tan wax ka wanaagsan hala helo , sababta oo ah inta markaa lagu galo xal ayaa gidaar la isaga tiirin doonaa sidii hore u dhici jirtay oo arinkaasi cid damaanad qaadeysaa ma muuqato .

Axsaabta siyaasada Somaliland kaliya iyaga waxa u cad in ay doorasho iyo kuraasi helaan , xiligani lagu jiro oo ah marxalad kala guur ah isla markaana ay bilo koobani ka hadheen xiligii la furi lahaa ururada siyaasada ee Somaliland waxa aanu aaminsanahay in aanay kaligood noqon karin sadexda xisbi qaran daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland ee ay talada la leeyihiin muwaadiniinta u diyaarka ah in ururo siyaasadeed ay furtaan iyo dadka Jamhuuriyada Somaliland.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama

Hogaamiye Dhimbiil

COMMENTS
LINKS