Saami-Qaybsigu Waa Sax Laakiin!!/W/Q; Aden Ismail. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saami-Qaybsigu Waa Sax Laakiin!!/W/Q; Aden Ismail.
July 22, 2020 - Written by Editor:

In ay Reer Awdal yidhaahdaan saamiga aannu xaqa u leenahay aanu hello waa sax waana sida caddaaladu ku jirto haseyeeshee si saami loo helo waxa loo baahan laba tiro: Tiro hose (denominator) iyo tiro sare (numerator). Labadan tiro waxa lagu salayn karaa iyadoo dadkoo dhan la tiriyo si loo helo tirada guud (tirada hoose) kadibna loo qaybiyo tirada gobol waliba ka helo tirada guud (tirada sare) kadibna lagu dhufto 100.

Kol haddii imika aanay suurogal ahayn in dadkoo dhan la tiriyo, waxa la isticmaali karaa tirada guud ee dalkoo dhan ka codaysa (tirada hose) waxaana loo qaybin karaa tirada gobol waliba ka helo codadaka guud (tirada sare) ka dibna lagu dhufto 100. Saami qaysiga macnihiisu waa sidaa.

Ma wax aan labadaa midna ahyn bay doonayaan Reer Awdal? Bal ha innoo sheegaan. Haddii ay rabaan saami qaybsi dhab ah, waa in ay codeeyaan wxay ka helaanna ha imaansdaan, diyaarna ha u noqdaal khasaare iyo faa’ido wixii ka soo baxa. Haddii cid kale diidantahay saami qaysiga dhabta ah, waa ay innoo sharaxaan waxay rabaan.

Anigoo og in daka wax bartay ay garanyaan saami qaybsi micnaheeda (proportional representation) waxa aan is idhi malaha dad badan oo aan dugsiyo galin ayaa saami-qaybsiga wax kale u haysta.

 

Thanks

Aden Ismail

Canada

 

COMMENTS
LINKS