Miyaanaan Tolow Isku Taariikh Ahayn?W/Q;Maxamed-Ugaas. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Miyaanaan Tolow Isku Taariikh Ahayn?W/Q;Maxamed-Ugaas.
July 22, 2020 - Written by Editor:

Dadka Somaliland intiisa badani 1991kii Waxay isku raaceen la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland. Walow ay jireen dad fara-ku-tirisa oo go’aankan ka soo horjeestay, kuwaa soo intooda badani markii midawga la ahaa, soo qabtay xilal kala duwan, soona arkay midawga dhibtiisa iyo dheeftiisaba. Illaa iyo haddana masuuliyiintii fikirkaa aaminsanaa, kuwo ka mida ayaa ku maqan Soomaaliya, kuwo kalena Way ka tanaasuleen fikirkoodii,waxaanay ku soo laabteen dalkoodii.

Waxa laga joogaa xilligaa Somaliland lagu dhawaaqay soddon sanno. Waxaan ka mid ahay dhalinyarada ku kortay calanka iyo ciidda Somaliland. Kuma korin calanka buluugga ah ee dhexda xiddigta cadi kaga taallo, dhuluu ka taagan yahay. Waxaan Wax ku bartay manhaj Somaliland leedahay, waxaana wax i baray macalimiin manhajkaa aaminsan. Sidoo kale waxaan ku soo koray guri laga aaminsan yahay; madaxbanaanida Somaliland, ummada soomaaliyeedna u aqoonsan, dad ay Walaalo yihiin oo ay Wax badan wadaagaan, laakiin talada iyo dawladnimada ay kala leeyihiin.

Haddaba Waxa jira dhalinyaro ragg iyo hablaba leh, Kuwaa soo intooda badani ku dhashay ama ku koreyba intay Somaliland jirtay,dhalinyaradani nolosha qaybaheeda kala duwan,waxay ku leeyihiin kaalin muuqata. Kuwo ka mida ayaa Suxufiyiina, kuwo kale waa Abwaano,qorayaal, fannaaniin iyo aqoonyahanno. Dhammaan Dhalinyaradani waxay u ololeeyaan “anoo ku ixtiraamaya fikirkoodaa, waa siday ilbaxnimada dunida ku shaqaysee” fikirka midnimada ah ee ay Somaliya wadato. Waxay ka soo horjeedan Inta badan aragtida ay qabaan bulshada Somaliland, taasoo ah aayo-ka-tashiga iyo inay helaan madaxbanaani dawladeed oo ay iyaku ka taladeeda leeyihiin.

Dhalinyaradani maaha kuwo qarsada ololahooda, balse Waxay ku muujiyaan, barnaamijyadooda,suugaantooda iyo qoraaladooda ay soo dhigaan baraha bulshada. Ku darsoo dhalinyaradan badankoodu Waxay Soomaaliya tagaan, Iyaka oo fikirkan aaminsan.

Dhanka kale dadwayga Soomaaliya ka soo jeeda ee sheegta, inay aaminsan yihiin midnimadu, marar qaar dhalinyaradan waabay la yaabaan, Jibadooda iyo firfircoonida ku jirta .. kuwo ka midana Xusuustii 1960kii baabay dib ugu celisaa, Soomaali qaldaan iyo weedhii caanka ahayd ee reer Waqooyiga loo adeegsan jiray taasoo ahayd; adlee iskeenee yaa ku Wacay !

Waa laga yaabaa dhalinyaradani inay inaga aragti sarreeyaan ama meesha ay gaadheen aynaan wali gaadhin. Waxaanse is waydiiyaa; miyaydaan tolow dhalinyaradan isku taariikh ahayn? mise dhacdooyin iyo taariikho kala duwan ayaad kala sidataan?

Waxaan kale oo aan is waydiiyaa; miyaydaan tolow ku wada hoos korin,ciidda uu ka taagan yahay calanka barakaysan,ee Saddexda midab leh, Tawxiidkuna guudka kaga yaallo?

Sidoo kale Waxaan is Waydiiyaa; miyaydaan tolow dar ka soo wada cabin, oo aydaan wax ku soo wada baran manhajkii Somaliland, macalimiin aragtidiisa aaminsanina wax idin soo wada barin?

Hadda saamaynta guryaha lagu korayna ma sahlanee, ma laga yaabaa inaanu ku kala kornay guryo kala duwan, oo afkaarta laga kala aaminsan yahayna aad u kala sarreyso? .. Haa dabcan guryaha iyo dadkaba Waanu ku kala duwanayn, waana dabciga Iinsaanka, miyaanayse jirin fikir guud oo naga dhaxeeyey, Isla markaana aanu Wada difaacaneynay? Mise tolow marka horeba Koox waliba kitaab u gaara ayay akhristaan oo ay hoosta ku haystaan?

W/Q: Maxamed Cismaan Muxumed “Maxamed-Ugaas”

Facebook: Maxamed Ugaaska

Email: Mdhoobaale@gmail.com

COMMENTS
LINKS