Toban Guuradii Ka Soo Wareegtay Xadhigii Siyaasiyiinta Ururka Qaran! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Toban Guuradii Ka Soo Wareegtay Xadhigii Siyaasiyiinta Ururka Qaran!
July 25, 2020 - Written by Editor:

Waxay Taariikhdu ka marag kacaysaa,in siyaasiyiintii ku dhawaaqday urur siyaasadeedka Qaran ee lagu muransanaa sharciyadiisa in xabsiga loo taxaabay,maallin taariikhda ku beeggan 26.7.2007,saddexda Siyaasi ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo aanu garsoore amar ku bixin xadhigooda. Saddexda Siyaasi ayaa miisaan culus ku lahaa Saaxadda Siyaasadda Somaliland.Saddexda siyaasi ee xabsiga Mandheera loo taxaabay ayaa kala ahaa .

1: Guddoomiyaha ururka Qaran Dr,Maxamed Cabdi Gaboose.

2: Gudoomiye ku xigeen, Maxamed Xaashi Cilmi.

3:  Gudoomiye ku xigeen Labaad,Jamaal Caydiid Ibraahin.

Soo Dayntii Siyaasiyiinta Ururka Qaran

Haddaba maalin Salaasa ah oo taariikhda ku beeggan.18.12.2007,ayaa xabsiga Mandheera oo ay ku jireen muddo shan bilood ku dhow (144 maalmood) laga soo daayay.Iyagoo u xidhnaa in ay furteen urur Siyaasadeed sharciga baal marsan.

Dr.Gaboose oo u waramay weriyaha BBC-da ayaa sheegay in abbaara 4-tii aroornimo laydhka lagu shiday taasoo aan caado u ahayn Xabsiga.ka dibna waxa  soo galay taliye ku xigeenka iyo ciidankiisii oo ku war geliyay in ay degddeg alaabtooda u soo qaataan.

Dr.Gaboose waxuu sheegay “in aan wax waraaqo ah laga saxeexin iyaguna aanay wax codsi ah u qoran Madaxweynaha.isagoo sheegay in xitaa waraaqdii lagu xidhay aanay mar qudha arag intii ay xidhnaayeen iyo markii Maxkamaddoodu socotay.

Dr.Gaboose waxuu sheegay in ay guryahoodii soo gaadheen abbaara Shantii Subaxnnimo.Wuxuuna intaa ku daray in dareenkoodu aad u wanaagsan yahay.

Sidoo kale,waxuu Dr.Gaboose ku adkaystay in dimoqraadiyaddii iyo xaqiiba ay adkaadeen,soo dayntooduna ay tahay guul u soo hoyatay ummadda Somaliland maadaama aanay ka tanaasulin mawqifkoodii.waxuu sheegay xabsigii lagu bajin jiray dadka ku taagan xaqu ay beenoobay.

Wuxuu Dr. Gaboose u mahad celiyay dhammaan dadkii u gurmaday in tii ay xabsiga ku jireen”.

Sidoo kale.Eng.Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay “in ay ku faraxsan yihiin inay guryahoodii iyo qoysaskoodii ku soo noqdaan”.

Mar kale,Jamaal Caydiid ayaa isna sheegay”in ay sii wadi doonaan hawshoodii urur siyaasadeedka qaran“.

COMMENTS
LINKS