Somaliland;Siyaasada Huursan,Saluuga Beelaha, Sawaxanka Doorasho Doonka, Sigib Tirnaan La’aanta Xukuumada Madaxweyne Biixi Iyo Saadaashaa La Filayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland;Siyaasada Huursan,Saluuga Beelaha, Sawaxanka Doorasho Doonka, Sigib Tirnaan La’aanta Xukuumada Madaxweyne Biixi Iyo Saadaashaa La Filayo!
July 26, 2020 - Written by Editor:

Somaliland Mudo Laba sano iyo Badh ah oo uu hogaanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland uu hayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi cabdi iyo xaaladaha ay ku sugan tahay ayeynu wax ka soo qaadan doonaa iyo waliba saadaasha marka aynu eegno sida ay wax yihiin hadda.

Laba sano iyo badh Somaliland ma jirin wax hal abuur iyo hogaamin siyaasadeed ah oo cusub oo ay la timid xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Biixi , hadii laga tagi waayo waxa la soo qaataa barnaamijka la yidhaahdo shaqo Qaran oo la aasaasay isla markaana ahaa wax cusub ha yeeshee wax uu ku dambayn doono ilaa maanta aan la garanayn iyo qorsheyaashiisa mustaqbalka.

Laba sanadood iyo badh waxa jira sawaxano beeleed iyo tabashooyin dhawaqoodu dhinac walba ka baxayo oo la saluugsan yahay xukuumada iyo hawlaheega shaqo .

Laba sanadood iyo badh waxa Somaliland ka sameysmay 3 jabhadood oo hubaysan oo sadexduba sheegtay in ay cadaalad darro iyo maamul xumo ka talaabeen isla markaana dirqi iyo hawl adag iyo tacab dhaqaale badani ku baxay lagu soo afjaray oo la dhameeyey.

Laba sanadood iyo badh uu batay xadhigu oo aan loo aano yeelin iyada oo la xidhxidhay siyaasiyiin , saxafayiin , ganacsato , xildhibaano deegaan iyo qaar wakiilo ,  samefaleyaal iyo dad badan oo shacbi ah  oo intooda badan loo soo qabto asbaabo iyo sifooyin ka baxsan sida shuruucda dalku dhigeyso ( Habeenkii oo guryaha la isugu soo daato + Xarunta dambi baadhista oo la isaga yeedho ).

Laba sanadood iyo badh waxa la qiyaasayaa in aan barnaamijkii siyaasadeed ee lagu doortay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aan waxba laga fulin marka loo eego xiliga la joogo oo kala badh ah iyo balanqaadyadii dadka loo sheegay badhna loogu qorey buuga , waxaana muuqata in dalka lagu maamulo siyaasad gole ka fuulnimo iyo dhacdo ku go’aan qaadasho ah.

Laba sanadood iyo badh ma jirto filashadii iyo rejadii dadka intii u codeysay kulmiye marka intii kale laga reebo ay qabeen iyo hogaamintii lagu tuhmayey Madaxweynaha jabhadka mudada dheer soo ahaa ee waayo araga ah laguna tuhmayey in uu wax badan u soo joogey waxna ka qaban doono.

Laba sanadood iyo badh waxa la isweydiinayaa nidaamkii dimuqaradiga ahaa ee dalka Jamhuuriyada Somaliland qaatey doorashooyinkii iyo wanaagii lagu yaqaanay dalkan oo marba marka ka dambaysa hoos u sii dhacayey halka uu ku dambeeyey.

Laba sanadood iyo badh ay axsaabta siyaasada iyo xukuumada Somaliland shacbiga la meeraysteen oo ilaa maanta wax macno iyo dan umadeed ah oo ay wadaan aanay muuqan iyo samirkii shacbiga oo gabaabsi noqday kana jeestay axsaabta siyaasada iyo xukuumadaba oo yaaban rejo dhawrna ah.

Laba sanadood iyo badh markii ugu horeysay Madaxweyne iyo xukuumad Somaliland ay soo qaadatey in dadka Somalia iyo Somaliland isdhexgalaan oo la isku furo , isla markaana ilaa maanta la laayahay cid ka dareen celisa oo xayndaabkii qaranka ku soo celisa iyo waxii dalkani dadkiisu ku heshiiyeen.

SAADAASHA IYO FILASHADA

Waxa la filayaa isbadel xukuumada iyo hayadaha dawlada ah oo sal iyo baar ah iyo mid goleyaasha qaranka ee wakiilada, guurtida iyo deegaanka ah , oo bogsiiya tabashada beelaha Jamhuuriyada Somaliland , rabitaanka shacabka ka turjuma isla markaana dalka u horseeda hore u socod .

Waxa la filayaa in aan lagu heshiinayn in doorashooyinka ay dhacaan sanadkan gudihiisa waxaana suurtagal ah in ay mar kale dib u dhacaan , taasi oo iyaduna noqonaysa caqabad iyo dhibaatooyinkii oo libin-laabmay ka dib marka lagu xisaabtamayo in badhtamaha sanadka 2021 lagu dhawaaqo gudida ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland iyaguna ay ku dhawaaqaan tartankii ururada iyo axsaabta oo ku beegan in doorashooyinkiisu qabsoomaan 2022 lix bilood ka horna lagu dhawaaqo in tartanku furan yahay.

Waxa la filayaa in Hugunka iyo hiiftaanka siyaasadeed ee axsaabta siyaasada gudahooga ku cabudhsani uu isla oogsan doono marqudha  hadii ay dhexdooda laga waayo tartan iyo daah furnaan ay ku waajahaan mustaqbalka siyaasadeed ee dambe iyada oo maanta kalsoonida shacabka ee axsaabta siyaasadu maraysa halkii ugu hooseysay abid.

Waxa la filayaa isbadelo siyaasadeed oo mug leh iyo wajiyo cusub in ay iman doonaan inta ka horeysa sanadka 2022 kaasi oo lagaga bogsan doono tabashooyinka siyaasadeed iyo kuwa beeleed ee dalka Jamhuuriyada Somaliland la baaxaa degayo.

Waxa la filayaa in ay yimaadaan ama iman karaan gole wakiilo oo dardartooda wata oo cusubi isla markaana qaranka kala dabaasha xaalado badan , shacbigana kala wareega matelaada iyo wakiilnimada dhabta ah ee baahiyaha siyaasadeed, bulsheed , dhaqameed , nololeed, hormarineed iwm, sidii loogu daba joogi lahaa xukuumada.

QALINKII Hogaamiye Mohamed Dhimbiil.

COMMENTS
LINKS