“Hadii Madaxwayne Farmaajo Uu Qorshihiisa Ku Adkaysto, Khilaafku Ma U Hor Seedi Karaa Dagaal Sokeeye”Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Hadii Madaxwayne Farmaajo Uu Qorshihiisa Ku Adkaysto, Khilaafku Ma U Hor Seedi Karaa Dagaal Sokeeye”Cali Guray
July 27, 2020 - Written by Editor:

Somaliya: Qorshaha Madaxwayne Maxamed Cabdillahi Farmaajo!

Somalia Malaha waxay maraysaa halkii ay Somaliland ay maraysay 1997dii markii lagu jiray qabanqaabadii Shirwaynihii 2aad ee Beelaha Somaliland. Madaxwaynihii wakhtigaa M.I Cigaal AHN eh wuxu watay qorshe in Shirwaynaha 2aad uu noqdo kii ugu dambeeyay marxaladda kala guurka oo aanu ku dambe dhicin ee loo gudbo nidaamka xisbiyada badan iyo habka doorashooyinka tooska ah (hal qof iyo hal cod), halka mucaaridka ka soo horjeedayna ay ka go’nayd in kursiga ay ka tuuraan taasina ahayd danta ugu muhiimsanayd ee shirwaynaha ay ka lahaayeen. Qorshaha Cigaal watay iyo kii mucaaridka ka soo horjeeday labaduba waxay ku xidhnayn Shirwaynaha 2aad iyo sida loo soo xulayo ergada shirwaynaha. Mucaaridku waxay qabeen in talada dib loogu celiyo beelaha oo sidii Shirwaynihii Boorame ay iyago soo xushaan. Laakiin Madaxwayne Cigaal taa gaashaanka ayuu ku dhuftay oo wuu diiday in arinka uu mar kale ku dhex tuuro beelaha waayo muu hubin ergada ay soo xuli doonaan waxa ay noqon doonaan in mucaaridka uu wax fursad ah helaanna muu doonayn. Isagoo isku hubay Odayaasha Guurtida wuxu soo dhigay in ergadii hore ee Shirkii Borame tiradooduna ay dhamayd 150 lagu kordhiyo 150 kale. Hadaba 150ka hore oo iyagu Guurtidaba ahaa waa la garanayay ee waxay noqotay 150ka kale sidee loo soo xulayaa. Isagoo ka ilaalinayay raggii ay is-hayeen in ay Madasha Shirka u soo dhex fadhiistaan wuxu keenay in ergay kasta oo kuwii hore ee Boorama ahiba uu isagu keeno hal ergay oo cusub sidaa ayuu ku dhamaystirtay 300 ee ergay iyagoo mucaaridku indhahoodu shan yihiin oo qaylinaya ayuu walee sadexdii boqol ee ergayba hool ku xaraystay uu qadab tiisii ku marsaday.

Somalia way caddahay in Madaxwayne Maxamed Cabdillahi Farmaajo uu wato qorshihiisa gaarka ah oo noqonaya in doorashada Golaha Shacbka aan sidii hore hogaamiye shaqameedku u soo xulin ee laga gudbo marxaladaasi oo xildhibaanada cusub doorasho hal qof iyo hal cod ah ay ku yimaadaan. Taasi in aanay ku dhacayn mudada yar ee ka hadhsan xiliga doorashada wuu garanayaa cid kastaana way garanaysaa. Shirkii dawlad goboleedyadu markaa wuxu ka hor-imanayay qorshahiisa Tanaasul Wasaare Khayre halka laga raacayna dabcan wuxuu taageeray go’aamadii shirka waxana ka mid ahaa laba qodob oo si toos ah uga hor imanayay qorshihiisa oo kala ah in qaabka doorashadu uu noqdo Doorasho Dadban iyo in doorashadu ay xiligeedii ku qabsoonto.

Ilaa hadda wuxu qaaday qodobkii koowaad ee marinka u furi lahaa qorshahiisa oo ah in laga takhaluso Raisul Wasaarihii hore Mudane Khayre. Tii labaadna wuu wadaa oo dhismaha xukuumad cusub oo la filayo in uu Magacaabi doono Ra,isul Wasaare cusub maalmaha soo socda. Ilaa halkaa lagama yaabo in wax dhibaato ah kala kulmo. Laakiin dalcadii ugu adkayd way u hadhsan tahay oo waa muddo kordhinta uu u baahan yahay si ay dalka uga qabsoonto doorasho hal qof iyo hal cod ahi.

Dad badan ayaa ka dayrinaya doorasho hal qof iyo hal cod ah oo leh waxa Somalia ka suurogeli kara maaha xataa laba sadexda sanadood ee soo socda. Weligoodba marka hore haya’dihii dawladda Fulin, Sharcidejin, iyo xataa haya’ddii Garsoorka oo ogol wuu haystaa. Waxa u hadhsan dhinacyadii kale ee ay khusaysay sida Dawlad Goboleedyadii, xisbiyadii siyaasadda, Ururadii Bulshada Rayidka iyo dad badan oo bugaanbug ah oo la soo abaabulo iyo dabcan rayul caamkii dadwaynaha shaaraca oo la og yahay in ay reero kala yihiin aragti qabali ahna kala wataan.

Shirka Farsamo ee loogu Balansan yahay Dhuusomareeb 15ka bisha soo socota wuu ka balaadhiyay intii markii hore la moodayay oo ku koobnaa Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada. Wuxu ku soo daray inta kale ee aynu soo sheegnay. Hadaba shirkaasi in uu dhici iyo in kale iyo hadiiba uu dhacayo sida uu u dhici doono lama hubo laakiin waa muhiim. Markaa in kasta oo ay wax badan ku kala duwan yihiin Somaliland iyo Somalia hadana bal in Madaxwayne Farmaajo uu tiisa marsan karo sidii Cigaal iyo in kale waaba loo wada joogi, halista ugu wayn laga cabsi qabi karaa waxay tahay hadii Madaxwayne Farmaajo uu qorshihiisa ku adkaysto xal badiil ah oo kalena jirin khilaafku ma u kori karaa in uu sababo dagaal sokeeyo oo aan laftiisu xal noqon karin ee keeni kara uun burbur iyo in mar kale Somalia ay kow ka soo bilawdo taas oo aan dhinacna dan u ahayn marka ay noqoto dhan kasta ha lagu qado ee dheglay ku shub iyo ninkii rooni reerka ha u hadho reer loo hadhi doonaana jiri maayo

Caligurey

Hargeysa, Somaliland

 

COMMENTS
LINKS