Safaarada Somaliland Ee Jabuuti Oo Ku Guulaystay Dalab Daawooyinka Kelyaha Iyo Wasaarada Caafimaadka Jabuuti Oo Ku Wareejisay Safiirka.. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safaarada Somaliland Ee Jabuuti Oo Ku Guulaystay Dalab Daawooyinka Kelyaha Iyo Wasaarada Caafimaadka Jabuuti Oo Ku Wareejisay Safiirka..
July 28, 2020 - Written by Editor:

Jabuuti(W,N)- Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa si weyn uga hawlgalay Codsi ay Wasaarada Caafimaadka Somaliland u diratay Safaarada, isla markaana ku socodsiisay Dawlada Jabuuti, Codsiga Wasaarada Caafimaadka, ayaa ahaa Inay Gabaabsi yihiin Dawooyinka lagu siffeeyo Kelyaha ee Dhakhtarka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Safiir Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa si degdeg ah, ugu qoray Dawlada Jabuuti Waraaq Codsiya, isla markaana kaga dalbaday in Daawooyin Kelyaha lala gaadho dhakhtarka weyn ee Magaalada Hargeysa, oo ay Gaabaabsi yihiin Daawooyinkii Kelyuhuu.

Qoraalka Safaarada, ayaa waxa si degdeg ah uga soo Jawaabay Wasaarada Caafimaadka dalka Jabuuti, oo lagu socodsiiyey, waxanay Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed gudoonsiiyeen Gaadhi lagu raray Daawooyinka Kelyaha.

Safiirka ayaa ka gudoobay Wasaarada Caafimaadka Jabuuti Daawooyinka, waxanu Maanta si toosa usoo amba-bixiyey Gaadhigii siday Daawooyinka Kelyaha, kuwasoo la faray inay sida ugu dhakhsaha badan u gaadhsiiyeen Dhakhtarka weyn ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Ugu horayn Safiirka oo Faahfaahinaya Nooca Daawooyinka Jabuuti ugu deeqday Somaliland ayaa yidhi.

“Waxaanu Maanta Halkan ku sii Sabootiyeynaa Gaadiidka qaadaya Daawooyinka lagu Siffeeyo Kelyaha oo runtii Gaababsi ku ahaa, dalkeenii Jamhuuriyadda Somaliland. Dhowaan waxa isoo gaadhay Codsi ka yimi xageena Somaliland, aniguna waan sii Gudbiyey Codsigii, oo Jamhuuriyadda Jabuuti ayaanu waydiisanay Daawooyin Ilahay jagadii waanu ku Guulaysanay. Warqad toosa ayaa u qoranay Wasiirka Caafimaadka Jabuuti, Codsigayagiina %80 waa la aqbalay Codsigayagii. Waxanaan Halkan uga mahadcelinaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geele,Wasiirka Caafimaadka Jabuuti iyo Kooxda la shaqaysa iyo weliba Wasiirka arimaha gudaha Jabuuti, wanaanu kusoo guulaysanayn.

Daawadani Waxay Muhiim u tahay dalkeenna, waxanay ahayd gabaabsi Alxamdululah, waxanaan hada deeqda Daawada ah ku wareejinayaa Badhasaabka Gobolka Seleel, insha allah waxaa rajaynayaa in caawa waaberiga inay gaadhso Magaalada Hargeysa iyo wasaaradu Caafimaadka Somaliland”  ayuu yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, waxa kaloo uu intaa ku daray Safiirku in waxyaabo kaloo ay dawlada Jabuuti ka codsadeena ay ka rajaynayaan mar kale isaggo arimaha iyo kuwo kaleba ka Hadlaya waxa uu yidhi Safiirku.

“Waxa kaloo anu dawlada aanu walalaha nahay ee Jabuuti ka rajaynaynaa inaanu ka helno, waxyaabo kaloo badan oo aanu ka rajaynaynaa insha allah. Maha markii ugu horaysay ee dawlada Jabuuti aanu ka helno garab istaag iyo caawimo, waxa kamid ahaa Caawimadii muga lahayd ee Abaaraha, iyo Daawooyinka. Sidoo kale waxaanu ka filaynaa inaanu ka wada-shaqayno mashaariico kaloo badan oo labada dawladood ah, waxaanan rajaynayaa Ilahay idinkii inay kuwaasina inoo hirgeli-doonaan insha allah. Waxa kaloo xusid mudan in gaadhiba Alaabta noo qaadaya ay Nagu caawisay Wasaarada Caafimaadka Jabuuti”  ayuu yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed.

COMMENTS
LINKS