Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Masar Ay Saldhig Millatari Ka Samaysanayso Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Masar Ay Saldhig Millatari Ka Samaysanayso Somaliland!
July 28, 2020 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay wararka aan sida rasmiga ah loo xaqiijin ee sheegaya in waddanka Masar uu saldhig millatari weydiistay Somaliland, kadib markii wefti ka socda Masar uu safar ku yimd Caasimadda Hargeysa toddobaadyo ka hor.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ambassador Dina Mufti oo waraysi siiyey wargeyska Daily Nation ayaa caddeeyey in Masar ay xor u tahay inay xidhiidh la yeelan karto dalkasta oo ku yaal Bariga Afrika, balse waxa uu ka digay in arrintaasi ay tahay mid loogu talogalay in lagu waxyeeleeyo dal kale oo ku yaal Gobolka. Waxa kaloo uu Afhayeenku ka hadlay ujeedada wefti ka socday Itoobiya oo safar ku yimid Somaliland, isagoo xusay inuu ka mid ahaa; “weftiyada joogtada ah ee ay LABADA WADDAN (countries) ay isweydaarsadaan…”

https://www.nation.co.ke/kenya/news/africa/tension-ethiopia-egypt-somaliland-military-base-1907432?fbclid=IwAR1KlOiAX5WtBKXMP190_Dp_yC6katVfZCjq4Rw60yxzbqWS9cXMP0XerTo

COMMENTS
LINKS