Dawladda Itoobiya Oo Ka Digtay In Masar Saldhig Milatari Ka Samaysato Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Itoobiya Oo Ka Digtay In Masar Saldhig Milatari Ka Samaysato Somaliland
July 29, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Dawladda Itoobiya ayaa ka digtay in dalka Masar ay Somaliland ka samaysto saldhig milatari oo lagu waxyeelaynayo dalka Itoobiya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Dina Mufti oo u waramay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa sheegay inay Masar xaq u leedahay inay xidhiidho la samaysato dalalka gobalka, laakiin aan la aqbali karin in xidhiidhadaas loo abuuro in lagu waxyeeleeyo dal kale oo gobalka ah, waxaanu afhayeenku dafiray in weftigii Itoobiya ee dhawaan socdaalka ku yimid Hargeysa ay daba socdeen dareen ay ka qaateen weftigii Masar ee iyaguna isla bishan Hargeysa yimid. “Dal madaxbanaan ahaan, Masar waxay sharciyad sax ah u haysataa inay xidhiidho la samaysto dal kasta oo gobalka ah.” Ayuu yidhi Afhayeenku, waxaanu intaas raaciyay oo uu ka digay in xidhiidhada Masar ay abuurayso aan loo samaysan in lagu dhaawaco dal kale, “Haddii joogitaanka gobalka ee Masar uu khatar ku yahay dal saddexaad, taasi maaha mid haboon.” Ayuu yidhi Dini.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray  “Arrintan, waxaan u baahanahay inaan haysano tusaalayaal cad cad oo ah waxa socda, waxaan rajaynaynaa inaanay noqon doonin in lagu dhaawaco Itoobiya ama dalalalka kale ee jaarka, sababtoo ah, waa sharci darro, waxaanay ka soo horjeedaa bini-aadanimada iyo nabadgelyada iyo ammaanka caalamiga ah.”

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, wuxuu sheegay in socdaalkii uu wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide Hargeysa ku yimid la xidhiidhin socdaalka weftigii ka horeeyay ee Masar ee Hargeysa yimid, “Waa jadwalo caadi ah oo loogu tallo galay in lagaga wada hadlo xidhiidhka labada geesoodka ah ee u dhaxeeya dalalka, lamana xidhiidho socdaalka weftigii Masar ee booqday Somaliland.”

 

COMMENTS
LINKS