Dawlada Maraykanka Oo Qirtey Inay Dad Rayid Ah Ku Dileen Duqeyn Ka Dhacday Soomaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Maraykanka Oo Qirtey Inay Dad Rayid Ah Ku Dileen Duqeyn Ka Dhacday Soomaliya.
July 29, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Warbixin ka soo baaxdey baadhitaan ay sameeyeen ciidanka Millatariga Mareykanka ayaa qiraysa in weerar ay qaadeen ku dileen qof rayid ah saddex kalena ku dhaawaceen meel ku dhaw degmada Jilib ee Jubada Dhexe horaantii sannadkan.

Warbixin la sii daayay salaasadii shalay ah ayaa xaqiijineysa eedeymaha ku saabsan weerarada cirka ee loo jeedinayo Maraykanka.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee saldhigga Afrika Jeneraal Stephen Townsend ayaa yidhi ” waxaan aaminsanahay in howlfaladeenu ay sababeen dhimashada hal qof iyo dhaawaca seddex qof oo kale oo aanan damacsaneyn inaan bartilmaameedsano.”

Warbixintii hore markii weerarka cirka uu dhacay waxaa lagu sheegay in xubin ka tirsan kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab lagu dilay agagaarka Jilib.

Tani waa qaybtii labaad ee taxane cusub oo warbixinno ah oo khuseeya weeararada ciidamada Mareykanka kuna saabsan duqeymaha cirka ee Soomaaliya iyo eedeymaha loo jeediyo ee ku aadan dadka rayidka ah, ka dib markii Pentagon cadaadis ay saareen hay’adaha xuquuqda aadanaha.

Maamulka Trump ayaa si aad ah u kordhiyay tirada weerarada cirka ah ee laga fuliyo geeska afrika oo ka dhan ah kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab, iyo kooxda kale ee yar ee Daacish ee ku sugan buuraha Bariga Soomaaliya.

Xubno ka tirsan dowlada Maraykanka ayaa hore u sheegay inay xaq u leeyihiin magdhow dadka rayidka ah ee ku dhinta ama ku waxyeelooba duqaymaha maraykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya.

COMMENTS
LINKS