Boqor Buur-madow Oo Sheegay In Wada-hadallo Uu Beeshiisa Ku Matalayo Uu Kula Jiro Xisbiyada Mucaaridka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boqor Buur-madow Oo Sheegay In Wada-hadallo Uu Beeshiisa Ku Matalayo Uu Kula Jiro Xisbiyada Mucaaridka.
July 29, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N) – Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa sheegay inuu Wada-hadallo uu beeshiisa ku matalayo kula jiro Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID.

Buur-madow waxa kale oo uu ka hadlay Xidhiidhka Somaliland la samaysay Dalka Taiwan iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Masar ka waddo Somaliland, xilli ay is hayaan Itoobiya oo Saaxiib dhow la ah Somaliland.

Boqor Buur-madow oo Shalay u warramay Telefiishanka Bulsho ayaa ugu horrayn ka hadlay sida uu u arko Siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland iyo Xidhiidhka Taiwan, waxaanu yidhi “Waxaan u arkaa siyaasad indho la’aan ah siyaasadda uu hadda dalku ku socdo ee uu  Madaxweyne Biixi uu ku hagayo, taasi oo meel ay u jihaysan tahay aan la garanayn, xidhiidhka Taiwan wuu jiray illaa xilligii Maxamed Ibraahim Cigaal, Maxamed Cabdillaahi Ducaale oo Wasiirka Khaarajiga ahaa wuu tagay, Maxamed Biixi Yoonis wuu tagay, Wasiir Xaglo-toosiye wuu tagay, waynu qarin jirnay oo arrimaha aynu kala xidhiidhi jirnay waxay ahaayeen Caafimaadka, Sababtoo ah Dawladaha waaweyn Gacan maroojis waxba lagagama helo, Nin kaa xoog weyn haddaad gacanta maroojiso dhib baa kaaga imanaysa aanad filaynin.”

Buur-madow wuxuu ka digay Halis Somaliland kaga iman karta Xidhiidhada Taiwan iyo Masar, kuwaasi oo ay xilligan is hayaan Shiinaha iyo Itoobiya oo ah Quwado waaweyn “Muuse Biixi wuxuu siyaasadda ka yaqaanaa Gacan maroojin, Maantana wuxuu mar gacanta wada maroojiyey Itoobiya iyo Shiinaha oo laba Quwadood oo waaweyn ah..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Itoobiya waa Dawladdii ugu horraysey ee Safaarad inoo furta ee ina soo dhaweysa ee xidhiidh Ganacsi innaga dhexeeyo, xuduud inaga dhaxayso, Masarna waa Dawladdii Somaliland ku ridday godka ay joogto markii uu Qaramada Midoobay Madaxda ka ahaayeen ee uu joogay Nin Butrus Qaali la odhan jiray ee Masaariga ahaa, Jaamacadda Carabtana ay Madaxda ka ahaayeen, xilligaa Masar waxay qabatay Laba Shir oo deg-deg ah, mid wuxuu ahaa kii Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo ahaa inaan Soomaaliya kala gu’i karin oo aan Somaliland la ictiraafi karin, Jaamacadda Carabtana way ka ansixisay.”

Cismaan Aw Muxumed (Buur-madow) wuxuu sheegay inay khalad siyaasi ah tahay in Somaliland ay tartansiiso Itoobiya iyo Masar, inkasta oo aanay weli Xukuumadda Somalilanc Caddayn mowqifkeeda khilaafka Masar iyo Itoobiya “Masar oo Mar walba siyaasaddeena God ku ridaysey inaynu Maanta soo dhawaysano oo ay Itoobiya is hayaan, waxay ahayd in Mawqif dhexdhexaad ah (Qaadano), laakiin aynu Maanta Masar ku xoqno oo aynu Gacan Maroojin ku samayno Dawladda Itoobiya waa meel ka dhac, arrimihii aynu ka dhursugaynayna inaynu god madow ku ridayno.”

Buur-madow waxa kale oo uu sheegay in Beeshiisu ay Masiirkeeda kala noqonayso Kulmiye iyo Madaxweynaha, isaga oo Matalayaana uu Wada-hadallo kula jiro Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID “Waxaad mooddaa in Beeshu Masiirkeeda ay dib ugala noqonayso isaga (Madaxweynaha) iyo Xisbigiisa (Kulmiye) oo aanu Nin la isku hallayn karo ahayn, Cid wax lagu darsan karo ahayn, maaddaama oo aan ahaa Odayga xagga dhaqanka siyaasadda beesha u matali jiray mar walba waxaanu hadda Wada-hadallo kula jirnaa labada Xisbi ee Mucaaradka ah.”

Buur-madow oo la waydiiyey in Beeshiisa uu hunguri kaga jiro inay mar kale qabtaan Xisbiga Kulmiye ayaa ku jawaabay “Maya maya..Annaga Beel ahaan way noo kala dhamaatay, Waayo? waxaad arkaysaa xitaa Wasiirradiisii la socday ayuu Wasiirnimadoodii kala dhimayaa oo curyaaminayaa, Xasan-gaafaadhi laba Wasaaradood ayuu hayey oo wuu ka eryey, Wasaaraddii uu hayey Jaamac Xaaji Maxamuud ee Macdanta iyo Tamartii ayuu kala saaray, dagaalku kuma sina Mucaarad iyo Mid Muxaafid ah oo isaga la jooga, waxaan arkaa Xisbina Cid uu wax uga ogol yahay ma jirto, raggii Godobta u galay ayaan xitaa Nin qudhi u soo geli Karin, Cid qudhi talo la lahayn, Doorasho uu qabanayaana maba jirto, hadduu doorasho qaban waayana Ummaddu way ka tashanaysaa, Cidda Xisbigiisa iska sharraxda Baarlamaanka iyo deegaannaduna way ku khasaari doonaan, waxaanuna gacmaha isugu geyn doonaa sidii looga soo horjeedsan lahaa, maaddaama oo uu dalka macno u lahayn.”

Boqor Buur-madow wuxuu Madaxweyne Biixi ku eedeeyay Qorshe la’aan siyaasadeed iyo dhaqaale urursi.

 

COMMENTS
LINKS