Maxaa Kala Qabsaday Macmiil Iyo Masuul Ka Tirsan PREMIER BANK Oo Soo Saaray Shuruudo Caqabad Ku Ah Bulshada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Kala Qabsaday Macmiil Iyo Masuul Ka Tirsan PREMIER BANK Oo Soo Saaray Shuruudo Caqabad Ku Ah Bulshada
July 29, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W.N) mid ka mid ah macaamiisha isticmaasha Premier Bank ayaa cod ka duubay oo bartiisa facebook ku baahiyey, muran adag oo dhex maray masuul ka tirsan hawlwadeenada Premier Bank Xaruntiisa hargaysa.islamarkaasina waxaa cid kasta oo maqashay la yaab ku noqotay hadalada ka soo yeedhayay masuulka Bangiga.

Macmiilka Premier Bank ee codka duubay oo lagu magacaabo Maxmed Cawaale ayaa  akoon ku lahaa bangiga oo doonayay inuu lacag kala baxo hasayeeshee masuulkii xfiiska hargaysa joogay ayaa ku wargaliyey inaanu wax lacag ah kala bixi Karin xafiiskan hargaysa markuu sababta weydiiyeyna waxuu masuulku u sheegay in premier bank soo rogoy shuruud cusub oo dhigaysa qof kastaa waxuu lacagta kala bixi karaa xarunta bangiga ee uu akoonka ka furtay sidaas awgeed madaama macmiil akoonkaaga aad ka furatay muqdisho  lacag kalama  bixi kartid xaruntan hargeysa ee halkaad ka furatay uun tag.

Intaa kadib macmiilka ayaa ku dooday in ujeedada  uu Premier Bank Uga furtay akoonkaba ay ahayd inuu meel kasta oo bangigu xarun ku leeyahay ka qaadan karo lacagtiisa islamarkaana shuruudan uu sheegayaa ayna ku jirin heshiiskii bilowgii laga saxeexay macmiilka

Hadaba shuruudaasi masuulku sheegay ma mid cusub oo premier bank soo rogoy baa? Ma mid lagu qancinayay macmiilka oo kiis gaar ah lagu haystaa? Ilaa hada masuuliyiinta Premier Bank wax jawaaba kama ay bixin waxaanu shacabku isweydiinayaa Premier Bank Ma markii hore ee uu xayasiiska ku lahaa meel kasta waad ka qaadan kartaan ayuu been sheegayey mise masuulka ayaa been fariimay bangiga.

Si kastaba ha ahaatee shuruudan ayaa ah mid caqabad ku noqonaysa macaamiisha  Premier Bank hadaanay jawaab ka bixin codkan laga duubayna waxuu hoos u dhigayaa sumcada bangiga

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Codka Muranka Macmiilka iyo Masuulka PREMIER BANK:

 

COMMENTS
LINKS