Dawlada Masar Oo Shaacisay Qorshe Cusub Oo Ay Ku Wajaheyso Xiisadda Udhaxaysa Itoobiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Masar Oo Shaacisay Qorshe Cusub Oo Ay Ku Wajaheyso Xiisadda Udhaxaysa Itoobiya.
July 29, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Dowladda Masar Ayaa Markii U Horeysay shaacisay inay jawi degan u mareyso xiisada webiga Nile-ka ee sida weyn ugala dhaxeysa Itoobiya, xili ay kasii dareysay muddooyinkii u dambeeyay.

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi ayaa si cad u sheegay in dowladdiisu ay hanaanka wada-hadalka u mareyso xiisada biyo-xireenka Itoobiya, taasi oo dhalin karta is-faham dhinacyada muransan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Al-Sisi ayaa isagu aamisan in tallaabada ay xiligan dowladdiisu kusoo dhacsan karto qeybta ay ka leedahay nafciga webiga Nile-ka uu yahay wada-hadal ay ka yeeshaan, iyada oo laga baaqsanayo colaado hor leh.

Masar ayaa hore u muujisay diidmadeeda ku aadan biyo-xireenka Itoobiya, iyada oo walaac badana ka muujisay in biyaha webigu uu si weyn isku dhimo, maadama oo inta badan ay dadkeeda ku tiirsan yihiin biyaha webiga Nile.

Hadalka madaxweynaha Masar ayaa imanaya xili uu dhawaan Abiy Ahmed sheegay in dalkiisa Itoobiya, Masar iyo Sudan ay ‘is-faham weyn gaareen, taasi oo dhabbaha u xaareysa heshiis rasmi ah’ oo laga gaaro biyo-xireenka xiisadda culus ka dhaliyey gobolka.

Xiisada ka dhalatay webiga Nile-ka ee Masar iyo Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay sarre u kacday, inkasta oo labada dhinac ay isku dayayaan in xal kama dambeys ah laga gaaro xiisadaasi dabada dheeraatay.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS